HomeAbaar Ka Taagan Qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Qaylo-dhaanta Bulshada...

Abaar Ka Taagan Qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Qaylo-dhaanta Bulshada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...


“Waad yaabaysaa biyaha ay dadku cabbayaan sida ay khatarta u yihiin ee ay Bakteeriyadu uga muuqato.” Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay Abaarta

Abaar 3

Hargeysa (SLpost) – Abaar baahsan oo saamaysay Dad iyo Duunyo, ayaa ka taagan Gobollada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gobolka Gabiley ee Somaliland.

Abaartan oo ka dhalatay Roob la’aan soo taagnayd Sannadkan maadaama oo Roobabkii Gu’gu aanay sidii la rabay u da’in, ayaa gaadhay heer Dadka intii awoodaysay ka qaxaan deegaannadii ay ku noolaayeen isla-markaana Xoolaha intii socon kareysay ay ula hayaamaan bariga Somaliland iyo gudaha Dalka Itoobiya.

Dhibaatada Abaartu gaadhsiisay deegaannada Koonfurta ilaa Galbeedka Maroodi-jeex, bariga Gobolka Gabiley iyo bariga Gobolka Hawd, waxa ka mid ah biyo la’aan iyo beeraha badankooda oo la qoday dhowr jeer in aanay ka soo bixin wax Sarac ah oo Xooluhu ku noolaadaan, taasina waxay horseedday in neefafka ruqaha ah ee ka hadhay abaarta inay ku badbaadiyaan raashinkii kaydka u ahaa, taasina waxay dadka ku qasabtay inay ka qaylo-dhaamiyaan oo ay Dawladda Somaliland iyo Hay’adaha ka codsadaan inay la soo gaadhaan gaargaar ay ugu horeeyaan biyo iyo Raashin.

Illaa 13 tuulo oo Kormeer Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Warbaahintu qayb ka ahayd ay ku soo mareen, ayaan midna mid ka dhicin sida abaartu u saamaysay, waxaana tuulo kasta laga dareemayaa cidlo, ka dib markii dadkii ku hareeraysnaa ee ay Magaalada u ahayd xoolahooda wixii abaarta ka hadhay kala guureen. Waxaana tuulooyinka qaarkood lagu arkayaa neefaf tiro ahaan kooban oo ku nool Raashinkii Dadku Cuno.

TOON:

Deegaanka Tuulada Toon oo kormeerku ka bilaabmay, ayaa marka aad gudaha u gasho waxa ugu weyn ee dadku ka wer-werayaan yihiin Biyaha, ka dib markii Baraagihii ay Biyaha ka cabbi jireen dhammaadeen, “Dadku halkan way ka guureen Abaarta awgeed, aniguna dadka tuulada ayaan ku caawiyey gaadhi waxayna biyo kaga doonanayaan Qool-caday” sidaa waxa sheegay mid ka mid ah dadka tuulada Toon oo gaadhigiisa biyo loogu doonay dadka deegaankaas. Waxaanu intaa ku daray, “Qool-caday waxay Toon u jirtaa dhowr iyo toban KM, meesha kale ee ugu dhowna waa Hargeysa.”

Guddoomiyaha Nabadgalyada ee Tuulada Toon Xariir Aadan Dhuule oo Xoolihiisa abaarta awgeed u raray deegaanka Awaare, ayaa sheegay, “Anigu waxaan ka soo laabtay deegaanka Awaare oo aan geeyay Halo (Geel), markii Xoolihii aad u dhinteen.” Ayuu yidhi, isagoo ka dayrinaya heerka Abaartu gaadhsiisan tahay.Abaar 2

Habaas-weyn

Deegaanka Habaas-weyn, ayaa ka mid ah meelaha dhibaatadu ka soo gaadhay Abaarta sannadkan ku dhufatay Gobollada Somaliland, sida uu sheegayo Guddoomiyaha Habaas-weyn, “Sannadkan Roobkii deyrtu muu helin deegaankan, waana laga hayaamay oo cidna ma joogto.” Ayuu yidhi, Guddoomiyuhu,  waxaanu intaa ku daray, “deegaanka Wax Sarac ahi kama bixin mid Dad iyo Xoolaad, sidaa daraadeed ILLAAHAY baanu baryeynaa inuu abaarta naga soo jabiyo.”

Cilmi-qabad (Cuna-qabad):Abaar 4

Deegaanka Cilmi-qabad, ayaa ka mid ahaa deegaannada abaartu saamaysay waxaana dadku ku sii hadhsan codsadeen gurmad bani-aadamnimo, “Dadka halkan ku hadhay Raashin ma hayaan, Biyo ma hayaan, wax alaale iyo wax ay hayaan ma jiro, sidaa daraadeed waxaanu doonaynaa in Dawladda iyo Hay’aduhu gacanta ugu weyn noo fidiyaan ILLAAHAY baa gacan weyne. Beertaa afar jeer baan qoday oo waataa Cas.” Ayuu sheegay Cumar Maxamed Ibraahim

Abaartan oo sidoo kale saamaysay deegaannada Fahda, Garabis, Gadhka-yogolka, Abuuriin, Xidhinta, Guul Alla, Taysa, Ijaara, Kurjiga iyo guud ahaan deegaannada ku xeeran isla-markaana dadkii degganaa xoolahooda intii abaarta ka hadhay ula guureen deegaannada Gudaha Itoobiya iyo bariga Somaliland, ayaa waxyaabaha ugu naxdinta badan waxa mid ah in Dadka qaarkood Xoolihii ka dhamaadeen, “Neefkan adhiga ah waxaan siiyaa Shaaha Maqaaxiyaha iyo wixii raashin loo helo.” Sidaa waxa sheegay mid ka mid ah dadka kormeerayaashu la kulmeen oo Adhi ka badnaa boqol neef abaarta ka raacay. Balse, arrinta ay dadkani Wadnaha farta kaga hayaan, ayaa ah in xanuuno ka dhashaan biyo wasakhaysan oo ay ka cabbaan Baraagaha biyaha yari ku sii hadhsan yihiin.Abaar 1

“Abaartii waxay u soo gudubtay Dadkii, waayo? waad yaabaysaa biyaha ay dadku cabbayaan sida ay khatarta u yihiin ee ay Bakteeriyadu uga muuqata.” Ayuu yidhi, Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Xidhinta ee Gobolka Gabiley.

Abaartan oo aan ku koobnayn deegaannada aynu kor ku sheegnay, hasa-yeeshee  saamaysay Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley iyo deegaanno kale, ayaa waxa ka hadlay Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland Mr. Sacad Muuse Cabdi iyo Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo kormeerkan sameeyay, waxayna ka markhaati kaceen dhibaatada Abaartu soo gaadhsiisay Dadka iyo Duunyada, “Kormeerka aanu samaynay waxaanu kala soo kulanay in Dadku Shan jeer in ka badan beerahooda qoteen, laakiin aanay wax Dalag ahi uga soo bixin oo ay khasaare badan kala kulmeen. Waxa kale oo ay noo sheegeen in Xoolihii ka dhammaadeen oo ay gurmad u baahan yihiin.” Ayuu yidhi, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley, ayaa isaguna kormeerkaas ka dib sheegay, “abaartani waxay ka dhalatay Roob la’aan, waayo? waxa la waayay Roobkii Diraacda la odhan jiray, Xagaagiina wuu ku biiray, Karantii iyo Darantiina wax yar baa ka da’ay, dhulkii la beerayna wax ka soo biqlay oo ka soo go’ay ka ma jiraan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories