HomeAbaar iyo Biyo La’aan Saameeyay Deegaanno Maroodi-jeex Ka Tirsan

Abaar iyo Biyo La’aan Saameeyay Deegaanno Maroodi-jeex Ka Tirsan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)-Abbaar  iyo biyo la’aan baahsan, ayaa ka jira Deegaamada hoos-yimaada Degmada faro-weyne oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, taasoo ay meelaha qaar u  dheertahay  baahiyo dhanka adeegyada bulshada ee aasaasiga ah oo aad u liita. Deegaamada ugu daran ee ay abaartu saameysay waxa kamida Deegaanka Dacarta oo kamida deegaamada ugu balaadhan degmada, halkaasoo abaartu ay marayso heer ay xooluhu u dhintaan cunto la’aan, dadkuna  halis ugu jiraan haraad iyo gaajo, sida ay sheegeen Maamulka iyo Wax-garadka Deegaanku.

Deegaankan oo ay aad ugu yaraayeen roobabkii Gu’gu, una badan xoollo dhaqato iyo beeralay, ayaa wax taakulo ah aan  ka helin Dawladda iyo Hay’addaha gargaarka toona,  waxaanay Dadka deegaanku intaa ku dareen in dalagii beeruhu ka ba’ay sanadkan markii biyo ku filan uu waayey, xoollaha Adhiga iyo lo’duna  bilihii u dambeeyey waajaheen  xaalad dhimasho.   “Adhiga iyo lo’du iminkay bilaabeen inay bakhtiyaan gaajo darteed, geelluna wuu ku daba jiraan haddaan alle faraj nala soo gaadhin, dee dadkuna waa xigayaa”sidaas waxa Wariyeyaal socdaal indho indhayn ah ku tegay u sheegay Cismaan oo kamida Odayaasha Deegaanka.

Waxa uu intaas ku daray “abaartani waa tii ugu adkayd ee taariikhda inta la xasuusto na soo martay, meeshina marka horeba may lahayn ilo-biyoodyo kayda  oo marka roobku yaryahay cirka dambe lagu baxnaaniyo. Waxa ku yaalla dhaam weyn oo loogu talo-galay inay degmada oo dhami ka faa’idaysto oo ay Hay’addi qoday,  nasiib daro isagoo kala badh maraya ayey hay’adii joojisay qodistiisii ilaa hadana cid u dhaqaaqday dawlad iyo Hay’ad toona ma jirto” .  “berkeddo ma leh oo waa dhul bus ah oo aan berkedo ka qodmayn, markaa walaahi halisbaanu ku jirnaa illaahay mooyee cid noo maqan ama wax noo balanqaaday oo aanu sugaynaa ma jirto”ayuu Cismaan hadalkiisa ku daray. Cabdiwahaab Maxamed Xuseen oo ka mid ah dhalinyarada deegaanka ayaa sheegay inaanay dawladdu waxba ka qaban baahiyaha bulshada deegaankan , sidii dalka loo soo galay, marka laga yimaado Dugsi saddex qol ah oo halkaa laga dhisay. Guddoomiyaha tuulada laga xukumo deegaankan  Cabdi  Cabdilaahi Yey (Cabdi Rows), ayaa sheegay in baahida ugu daran ee deegaankan ka jirtaa ay tahay biyo la’aan nolosha dadku halis daaqayso iyo adeegyadii  dhanka Caafimaadka oo aan haba-yaraatee ka jirin, taasoo uu sheegay inay u sii nuglaysay duruufaha dabeeciga ah ee ku habsaday. “iminka waxa noogu daran biyo la’aan, dadku beerkuu dhulka ku hayaa, xoolihii waxay afka saaraan ma haystaan, dadkuna waxba kuma noola”.

Guddoomiyaha Deegaanka Dacartu waxa kale oo uu tilmaamay “xarun Caafimaaad ma lihin, gaadiid  aanu qof hadii sakaraado dhakhtar ugu qaadno ma haysano, Dumarku markay fooshu qabato waa in Hargeysa loo qaado ama faro-weyne, meelahaasna gaadiid lagu gaadhsiiyo ma haysano, kolkaa xaaladdayadu waa sidaas baahi wax noo dhiman garan mayno, Dawlad iyo cid kale toona oo gurmad aanu ka helnay ma jiraan” ayuu yidhi.  Gudoomiye Cabdi Rows, waxa uu ugu dambeyn dawladda ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaadho. “dawladda waxaanu ugu baaqaynaa in naloo soo gurmaddo ilaahaybaa gurmad lehe. Waliba waxaanu codsanaynaa biyo iyo adeeg Caafimaad, si nolosha dadka loo badbaadiyo illaahaybaa wax badbaadiyee”ayuu baaqiisa ku sheegay.

Ex-Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Xuseen qasbaaye (Xayle), oo ka tirsanaa Golihii hore ee deegaanka Hargeysa oo  xubin ka ahaa wefti xaqiiqo raadin u tegay deegaankaas oo  isugu jira aqoonyahano, masuuliyiin iyo waxgarad, ayaa dawladda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ugu baaqay inay taakulo deg-deg ah la soo gaadhaan mujtamaca ku dhaqan Deegaankaas iyo nawaaxigiiisa.  Xildhibaan hore Xayle Qasbaaye, ayaa ku canaantay masuuliyiinta Dawladda ku jira ee ka soo jeeda Deegaankan, inay indhaha iyo dhegaha ka furaysteen  dayaca iyo dar-xumada haysata deegaanka, isagoo xusay in baahiyaha nololeed ee ka jira jiidaas hadaan dhakhso gurmad qaran loogu  waajihin ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo miisaankeeda lehi. Geesta kale, xubno isugu jira Odayaasha iyo waxaradka deegaanka oo la hadlay wariyeyaasha, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay u soo jeesato baahiyaha ka jira degmada, khaasatan deegaankan Dacarta oo ay ku dooddeen inuu kamid yahay deegaamadii xisbiga talada haya ee Kulmiye  codka ugu badan ka helay doorashooyinkii madaxtooyada, Baarlamanka iyo Deegaamada.

Waxa ay si gaar ah uga  dalbadeen xukuumadda inay dhamaystirto laba mashruuc oo halkaa laga bilaabay saddex sannadood ka hor, kuwaasoo wali qabyo ah, isla markaana mid ka mida oo ah MCH ama xannaano loogu talo-galay caafimaadinta Hooyada iyo Dhalaanka oo uu wasiirka Caafimaadka Saleeban Xaglo-toosiye dhagax dhigay sanadkii 2013-ka aan halkii laga qaadin. Mashruuca labaad ee qaybada ah, ayaa ah Dhaam-biyood  hay’adda WFP halkaa ka qoday afar sannadood ka hor oo markii uu kala badh marayey istaagay , kaasoo ay sheegeen in cid ka daba tagtay iyo dawlad kula xisaabtantay hay’adii waday toona aanay jirin.  Ugu dambeyn odayaasha Deegaanka Dacartu waxay sheegeen inaanu Maamulka degmadu u dhego nuglayn wax ka qabashada baahiyahooda daruuriga ah, degmaduna kamid tahay kuwa ugu liita xagga horumarka Gobolka  ay ka tirsantahay ee Maroodi-jeex, taasoo ay ku dhaliileen Madaxda degmada iyo kuwa Gobolka ay hoos-tagto.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories