HomeAbaalmarinno Shahaado-sharaf iyo & Lacag isugu jira oo la Gudoonsiiyey Shaqaalahii ugu...

Abaalmarinno Shahaado-sharaf iyo & Lacag isugu jira oo la Gudoonsiiyey Shaqaalahii ugu Wanaagsanaa Wasaaradda Tamarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Tamarta & Macdanta Md Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa maanta gudoonsiiyey shahaado abaalmarin ah iyo lacag shaqaale wasaarada ka tirsan oo loo aqoonsaday inay ugu waxqabad wanaagsanaayeen sannadkii dhamaaday.

Munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaarada Tamarta, kana soo qeybgaleen dhamaan hawl-wadeenada waaxyaha kala duwan, madaxda wasaarada iyo madax ka socotay Hay’adda Shaqaalaha iyo warbaahinta oo hadalo kala duwan laga jeediyey, ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta Eng Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed, oo ka hadlay ayaa ku amaanay dhamaan shaqaalaha waxqabadkii Wasaaradu ku talaabsatay, waxaanu yidhi,

blank“Aad baan maanta ugu faraxsanahay inaynu isku abaalmarino dhamaan shaqaale-weynaha, ma odhanayo qeyb keliya, laakiin dhamaantood, inaynu isugu nimaadno sannad ka dib, innagoo isku abaalmarinayna waxii aynu mutaysanay guud ahaan. Maanta cid gaar ah lama abaalmarinayo, laakiin dhamaanteen waynu guulaysanay, haddana marka tartanka la qabto kolay cid baa dheeraysa, cidaana in la abaalmariyo way mudan yihiin, si kuwa dambena ugu deydaan.” Ayuu yidhi Agaasime Guud Abdeeq.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mr Xamse Suldaan oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa yidhi,

“Maanta waa maalin aynu abaalmarinayno shaqaalahii waxa wanaagsan soo qabtay, kolay aragti ay Hay’adda Shaqaalahu wado oo abaalamrinta guud ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha dawladda oo la samayn doono dhowaan, waxaan rajeynayaa inaad ka mid noqotaan wasaarada Tamartu oo si wanaagsan wax u wada. Hay’adda Shaqaalahu iyadoo fulinaysa siyaasada Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi waxay wadaa in shaqaalahu helaan caddaalad, oo aan lagu tacadiyin meel kastoo ay joogaan, shaqaale badan ayaa runtii cabashadoodu na soo gaadhaa, waxaan uga jawaabnaa si caddaalad ah annago ixtiraam siinayna madaxda ay ka hoos shaqeeyaan.

Wasiirka Tamarta & Macdanta Md Jaamac Maxamuud Cigaal oo munaasibada  ka hadlay ayaa bogaadiyey guud ahaan shaqaalaha wasaarada, waxaanu yidhi,

“Runtii waa maalin farxad leh, iskana waraysanayno shaqo sannad soo socotay, annigu qof qofka abaalamrinta la siinayo ka hadli maayee, waxa muhiim ah, Ilaahay mahadii, inaynu Wasaarad ahaan waajibaadkii aynu Qaranka u haynay meel wanaagsan marinayno, shaqaalahuna si fiican oo ragannimo leh oo gabadhnimmo leh oo fariidnimmo ah uga soo baxeen. Ilaa imika waax waajibaadkeedii dib uga dhacday ma jirto, taasoo macnaheedu yahay inaanu jirin qof waajibkii laga filayey ka gaabiyey, hadday jiraana waa mid iyo laba.” Ayuu yidhi Wasiir Jaamac, isagoo raaciyey,

“Hablaha oo gacanta lagu goday, waxaan ogahay in dhalinyarada raga ah cidda garab-taagan ee shaqada badankeeda wada inay yihiin Hablaha dhinac walba, hablaheenu si gaara ayey hadyad, dhiirigelin iyo abaalmarin u leeyahiin, aad baad Adeer u mahadsan tihiin. Waxaynu wada nahay koox shaqo wada qabanaysa, mustaqbalka waddankuna Wasaaraddan ayuu ku xidhan yahay, qof kastoo shaqaale ahna kaalin baa mustaqbalka wadanka kaga beegan, Ilaahay ha inna garansiiyo. Waxaan inoo rajeynayaa sannadkan ka xiga  in Ilaahay kheyr,  horumar iyo wax la taaban karo oo soo ifbaxa Macdan ama Shidaal laga helay waddanka oo faa’iidadeeda aynu dheefsanno innagu gaadhsiiyo.”

Gebagebadii Wasiirka Tamarta Md Jaamac ayaa gudoonsiiyey abaalmarinno shahaado iyo lacag ah xubnahii ku guulaystay oo tiradoodu ahayd 12 qof.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories