HomeAasaasaha WorldRemit oo sheegay in Qaadhaanka Midowga Yurub Sawir Qaldan ka bixinayo...

Aasaasaha WorldRemit oo sheegay in Qaadhaanka Midowga Yurub Sawir Qaldan ka bixinayo Gurmadka Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Aasaasaha shirkadda Worldremit isla markaana ah guddoomiyaha hay’adda Sahamiye Foundation, Ismaaciil Ibraahim Axmed, ayaa si adag u dhaliilay Qaadhaan $100,000 oo Midowga Yurub ku yaboobay inay ka qayb-qaadanayaan taakuleynta ganacsatada xoolahooda ku waayey Suuqa gubtay ee Waaheen.

blank
Ismail Ahmed, Founder and CEO of Worldremit

Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yaboobay taakulo dhaqaale oo gaadhaysa 100 Kun oo Dollar, taas oo ay sheegeen inay ku caawinayaan ganacsatada yar-yar ee ku caydhoobay masiibadii dabka ee ku dhacday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Cabdilaahi oo daba-socda qaddarka lacagta ah ee Midowga Yurub ku yabooheen, ayaa sheegay in Qaadhaanka 100,000 kun ee Dollar ahi uu sawir qaldan ka bixinayo gurmadka Suuqa Waaheen iyo taakuleynta Ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen oo loo qaybiyey lacag ka badan 2 Milyan oo Dollar.

Guddoomiye Ismaaciil Ibraahim waxa uu arrintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu caawa soo saaray, waxaanu yidhi, “War saxaafadeed aad loo buunbuuniyey oo EU-du soo saartay ayaa lagu sheegay in ay deeq dhan €100,000 soo marin doonto hay’ad kale oo ganacsatada yaryar ee Waaheen ka caawin doona in ay iibsadaan “cunto iyo biyo” ganacsigoodiina dib u bilaabaan.

Warkan oo lagu daabacay bogga EU-da oo bishii ay booqdaan 60 malyuun ayaa wuxu bixinayaa sawir qaldan oo ah in ganacsata yaryar weli aan waxba loo qaban oo ay hay’ad sugayaan.

Waxay EU-du warka faafisay iyada oo og in ganacsatada yaryar loo qaybiyey lacag ka badan $2 malyuun oo ay dib u bilaabeen ganacsigoodii, ilaa haddana lacagaha ay Soomaalidu ku deeqday kor u dhaaftay $20 malyuun.

Marka laga jaro kharashyada hay’aduhu ku maamulaan deeqaha waxa laga yaabaa in inta soo hadhaa ay noqon karto oo keliya afur wadareed cuntada iyo biyaha la sheegay gaadhsiiya ganacsatada suuqa.

War saxaafadeedka oo aad looga soo shaqeeyey wuxu deeqdan yar ka dhigay mid ka miisaan weyn dhammaan wixii dadkeennu bixiyeen marka Google laga baadho gurmadkii suuqa.” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ismaaciil Ibraahim Axmed, aasaasaha worldremit isla markaana ah guddomiyaha hay’adda Sahamiye Foundation.

Hay’adda Sahamiye Foundation oo si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka dhaqaale ee lagu taakuleynayo ganacsatada, ayaa lacago deeq ah oo gaadhaya $313,700 u qaybiyey 761 Qof oo ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan guddiga heer qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen, ayaa 16-kii bishan lacago u qeybiyey 988 Qof oo ka mid ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000, kuwaas oo wadar ahaan la siiyey lacag ka badan $1.8 Milyan.

Warbixin qiimeyn ah oo ay soo saareen Guddiga heer Qaran ee madaxweynuhu u magacaabay taakuleynta Suuqa, ayaa lagu sheegay in khasaaraha dabku soo gaadhsiiyey suuqa Waaheen lagu qiimeeyey adduun lacageed oo gaadhaya $2 Bilyan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories