HomeAas Wadareed Loo Smaeeyey 44 Qof Lafohoodii Oo Ay Xasuuqeey Taliskii Siyaad...

Aas Wadareed Loo Smaeeyey 44 Qof Lafohoodii Oo Ay Xasuuqeey Taliskii Siyaad Barre

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLPOST) Waxaa  maanta Aas wadareed loo sameyey 44Qof  oo ay xasuuqeen dawladii  Siyaad Barre 1984 kii, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu sameynayey Xasuuq aan  dadka loogu aabo yeeleyn.

2031

Dadkan ayaa lagu xasuuqay meesha la idhaahdo Badhka oo ku taalla Badhtamaha Magaalada Hargeysa oo wakhtigaasi dawladaasi si badheedh dadka inta ay Koox Koox  isagu  Xidho ay dhammaan si safmar ah u Xasuuqi Jireen, inta ay magaalada Hargeysa ka soo Ururiyaan.

Dadkan ayaa Maanta Si rasmi ah dib loogu aasay Xabbaalo ku yaala Duleedka Magaalada hargeysa gaar ahaana meesha la yidhaahdo Masalaha .

Aas wadareedkaasi ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukumada Somaliland, Wasiirada Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Cadaalada, Diinta iyo awqaafta, waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xisbiyada mucaaridka ah, Boobe Yusuf Ducaale, Aqoon yahano kale Siyaasiyiin faro badan iyo dadweyne aad u badan.

Dhammaan Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay sheegen in loo bahan yahay in dadkii dadkaasi reer Somaliland Xasuuqay la horkeeno maxkamad si looga abaal mariyo dadkii ay xasuuqeen.

Dadka la Xasuuqay oo ka kooban 44 ayaa Waxaa soo qoday oo muddo dheer baadhey Hay’ad Ajanbi ah oo la yidhado EPAF oo ku caan ah Baadhista dalalka xasuuqayada laga geysto iyada oo ka soo shaqeysay dalal badan oo ka tirsan caalamka oo ay xasuuqyo ka dhaceen.

Guddoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like ayaa warbaahinta u qaybiyey warsaxafadeed uu soo saaray oo u dhigsan sidan.

 “Waxanu halkan  iskugu nimid saaka in aynu sidii islaaminimadu ina fartay  u aasno 44 kan Marxuum oo ay si sharci darro ah, iyagoon danbi lahayn, u xasuuqday  dawladdii  markaa dalka ka talinaysay ee kaligii taliskii Siyaad Barre, ee sanadkii 1984 kii, waxaa mahad leh illahay oo maanta inoo suurta galiyey in sidii diinteena subani ina fartay aynu u aasno 44kan Marxuum oo laga soo saaray xabaalaha badhka.

Waxa kale iyaguna mahad leh khuburadan ka socota hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984kii, iyaga oo hawshoodii sii wadi doona si ay u xaqiijiyaan xasuuqyadii kale ee dhacay sanadihii ka danbeeyey 1984kii ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

EPAF waxa weeye hay’adda laga aqoonsan yahay adduunka oo dhan kana soo shaqeeysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya .

EPAF waa hay’ad caalami ah oo madax banaan, macaashdoon ahayn, meelmarisa runta, hirgelisa xaqiiqda ay ka helaan baadhistooda iyagoo cidna wax-qabadkooda garab u doonan, caawisa cadaalad-doonka iyo Demoqraadiyada, waxaanu illahay ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo 44ka marxuum oo ay dishay gacan ka xaqdarani eheladoodii iyo somalilandba samir iyo Iiman ka siiyo.

Dadkiinan shafarta leh ee ka soo qayb galayna aaskan waad mahadsantihiin, waa jasaakumulaahu khayran.

Ujeedada hawshan ugu weyn een halkan isugu soo duba ridnay xafiiska gudidda baadhista xasuuqa Somaliland.

1.Wixii Danbigan gaystay oo la Maxkamadeeyo.

2.Marka cadaalad la helo ayaa Dadku heshiiya.

3.inay Iska hortaagto kuwa mustaqbalka xukunka qabta inanay ku kicin falakn oo kale.

4.in ay wacyi galin ku saabsan xaquuqal insaanka u noqoto dadka.

 

2034

 Somalilandpost.net

Somalilandpost.net/office /Hargeysa

/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories