HomeAas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Covid-19...

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Covid-19 u geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta aas-qaran u samaysay madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Mahdi Maxamed oo toddobaadkii hore magaalada Nairobi ugu geeriyooday xannuunka Covid-19.

Aaska marxuumka oo ay ka qayb-galeen Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa kuwa mucaaradka ayaa loo xannibay Isu-socodka Magaalada Muqdisho iyadoo Jidadka waaweyn ee magaalada ay xidheen ciidammada Milatariga iyo kuwa booliska, waxaanay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-dig ah.

blankLiibaan Ali Mahdi oo marxuumku dhalay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in aabihii u geeriyooday xannuunka Covid-19, xaaskii uu marxuumku ka dhintayna la dhigay cusbitaal ku yaalla Nairobi oo xaaladdeeda lagula tacaalayo kaddib markii xannuunka laga helay.

Cali Mahdi oo da’diisu ahayd 86-jir, ayaa noqday madaxweynihii u horreeyey Soomaaliya kaddib burburkii dowladda Maxamed Siyaad Barre, waxaana si ku-meel gaadh ah xilkaas loogu magacaabay shir dib u heshiisiin ah oo Soomaalida loogu qabtay magaalada Jabuuti wax yar kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

blank
Bidix: Cali Mahdi iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid

Haseyeeshee, waxa madaxweynenimadiisa ka soo horjeestay oo cudud hubaysan ku qaaday General Maxamed Faarax Caydiid oo dagaal qadhaadh oo beelaysan ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa markii u horeysay ku soo biiray saaxadda siyaasadda Soomaaliya sannadkii 1969-kii wax yar ka hor inqilaabkii Siyaad Bare kula wareegay talada dalka, isagoo xilligaas noqday xildhibaankii ugu da’da yaraa ee ku biiray golihii sharci-dejinta ee dawladdii Rayidka ahayd ee Soomaaliya.

blank
Marxuum Cali Mahdi Maxamed

Muddooyinkii u dambeeyey, waxa uu Cali Mahdi noloshiisa ku qaatay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo ahaa oday Soomaaliyeed oo la tixgeliyo iyo sidoo kale maal-qabeen guulo badan ka gaadhay dhinaca Ganacsiga. Cali Mahdi waxa uu iska lahaa Hoteellada ugu wanaagsan ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyey noloshiisa mar uu ka hadlay siyaasadda xilligan ee Soomaaliya, waxa uu siyaasiyiinta ku loollamaysa hoggaaminta dalkaas ugu baaqay inay sharciga ixtiraamaan oo hirgeliyaan doorasho si nabad ah ku dhacda.

“Cidina awood kuma haysan karto talada dalka, sidaas awgeed waxaan ka dalbanayaa siyaasiyiinta iyo dowladda xilka haysa inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, haddii kale dagaal sokeeye inuu dhaco ayaa suurta-gal ah,” Sidaas waxa yidhi Cali Mahdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyey midowga Murashaxiinta iyo Dowladda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories