HomeAan u wada Guntanno Badbaadada Da’yarteena

Aan u wada Guntanno Badbaadada Da’yarteena

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

W/Q Xuseen Cali Nuur 

Xashiishaddu waa Maandooriye waxyeelo weyn u geysta qofka caadaysta, nolosha dadka la noolna iyo guud ahaan u ah sababaha hoos u dhaca heerka waxbarasho ee da’yarta. Sidoo kale waxa uu halis weyn ku yahay caafimaadkooda, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan horumarka dalka.

Xashiishadu  waa Maandooriye dalkeena aad ugu fiday ama ugu fidaya. Waxana tusaale ahaan noogu filan baaxada Xashiishka ee Boolisku gacanta ku dhigay, oo uu dhawaan soo bandhigay.

blankSaraakiisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay qaababka loo soo gelinayey xashiishada markay gacanta ku dhigeen, waxay nagu baraarujinaysaa in khatartiisu gaadhsiisan tahay heer haween hooyooyin ah loo adeegsaday.

Baaxadda iyo noocyada dadka la adeegsanayo waxay muujinaysaa, in dad dalka Somaliland u dhashay ay kaalin weyn ka qaadanayaan, halaagga da’yarta ee cadowgu weerarka qarsoon ku hayo. Da’yartaa oo ah lafdhabarta horumarka dalka iyo hoggaamiyeyaasha waddanka ee mustaqbalka.

Waxa haddaba isweydiin leh in qaabka cadowga isbahaystay la-dagaalankiisu u baahan yahay taageero  toos ah iyo mid dadban oo gacan xoogle lagu siiyo Ciidanka Booliska, oo ku ammaanan hawsha ay hayaan.

Xashiishaddu way ka raad xun tahay waxyeeladeedu balwadaha kala duwan ee kale ee la yaqaano, hase ahaatee waxay iska shabahaan waxyeeladoodu meelaha qaar.

Waxa lagu lumiyaa wakhti badan helitaankooda, waxaanay seejiyaan qofka wakhtiguu ugu shaqeyn lahaa nolosha adduunyo iyo aakhiraba.

Waxay sababaan in qofka caadaystaa uu nolosha ka dhaco, inuu iloobo daryeelka qoyska, carruurtu nadayacanto. Waxaan aragnaa in dhaqamo aan hore loo arki jirin ay soo ifbaxayaan. Kuwaasi oo loo nisbaynayo Xashiishada iyo Khamriga. Waxa loo baahan yahay:

Waxa loo baahan yahay la dagaalanka Xashiishada iyo Khamriguba ay culimadu ka lahaato qorshe ay kaga hortagayaan, kuna wacyigelinayaan shacbiga. Wacyigelintaas oo joogto ah lagu qabto Masaajidyada lagana baahiyo warbaahinta guud iyo baraha bulshadaba.

Xashiishaddu waxbarashada waxyeellada ay u geysato waxa ka mid ah heerka waxgarad ee ardayga oo ay hoos u dhigto, xasuusta oo ay ka lumiso iyo isdhexgalka ardayda kale oo ay ka yareyso. Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in dugsiyada laga bilaabo  wacyigelin ku saabsan khatarta Xashiishadda; iyo saaxiib la noqoshada dadka isticmaala.

Bahda Caafimaadka waxa looga baahan yahay in waxyeelada Xashiishaddu u leedahay caafimaadka, jidhka iyo Maskaxdaba uga wacyigeliyaan raadka ay ku yeelan karto Xashiishaddu qofka isticmaala.

In dambiyada kala duwan ee ka dhasha isticmaalka Xashiishada oo Maandooriye ah- laga ilaaliyo u raadinta xal dhaqameed, loona adkeeyo dhaqan gelinta waxayn ka qabto shareecada iyo sharciguba.

Waalidku wuxuu ka qaadan karaa kaalin weyn suulinta Xashiishada iyo Maandooriyeyaasha kale, haddii ay  si joogto ah ula socdaan arrimaha ku saabsan nolosha iyo dhaqanka ubadkooda.  Waxaanay ku garan karaan in ilmahoodu bilaabay isticmaalka Xashiishada isbeddelka ka muuqda. Kaasi oo ah deganaansho la’aan ka muuqata, hadallada oo isdhaaf ah, nooca saaxiibadiisa iyo isbeddelka qaab dhaqanka marka uu guriga joogo.

Waxaan leeyahay maadaama dhalliyaradu ayn yihiin lafdhabarta dalka, xooga ugu badan ee horumarinta, cadowguna bartilmaameed ka dhiganayo inay gurmadka guud ay horseed u noqdaan siday naftooda iyo da’yarta kale uga badbaadin lahaayeen Xashiishada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories