Home“Aan iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno Sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku” -...

“Aan iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno Sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku” – Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Warramay ahmiyadda ay Dalka ku leedahay in la qabto doorashada ururrada siyaasadda, si ay u soo baxaan Saddex Xisbi oo cusub, si markaa loo qabto doorashada Madaxtooyada.

Madaxweynaha oo Maanta Khudbadda Dastuuriga ah ee sannadkan 2023-ka u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa ka warramay dhaqaalihii ku baxay doorashooyinkii isku sidkanaa ee sannadkii 2021 ka dhacay Dalka, Furistii ururrada siyaasadda iyo Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadda oo fulinaysa go’aankii Maxkamadda sare dalka laga qabanayo Doorashada Ururrada siyaasadda, Ta Madaxtooyaduna ku xigi doonto.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxa inoo qabsoomay labadii doorasho ee isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo midhaheedii uu yahay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee maanta halkan fadhiya iyo Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Dalka.

Muddaas waxa kale oo aynu hirgelinay laba diiwaangelin cod-bixiyayaal ah, tii hore waxa lagu galay Doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka iyo tii inoo qabsoontay 28 December 2022 ilaa 26 January, 2023 oo ay si weyn uga faa’iidaysteen da’yarteenii gaadhay da’dii ay sharciyan isugu diiwaan gelin lahaayeen iyo dadweynihii kala ee aan fursad u helin inay is-diiwaan-geliyaan.  Labadii Doorasho ee isku-sidkanaa iyo labadii Diiwaan-gelinood waxa ku baxay lacag dhan $25,995,619.

Fiira-gaara: waxa kale oo la bixin doonaa lacagta ka dhiman hawlaha kaadh-qaybta Diiwaan-gelintii dembe oo dhan $2,506,744.”

“Iyadoo la tixgalinayo xaqa distuuriga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan ayaa 15 Januray 2022 ay maxkamadda dastuuriga ahi go’aamisay Furitaanka Ururrada Siyaasiga ah.

Sidaa darteed, anigoo fulinaya Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ayaan magacaabay Xubnihii Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiilladuna isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ayuu isna aqlabiyad ku ansixiyey Guddidaa.”

“Waxa is-diiwaangeliyey 15 Urur-siyaasadeed oo kala hufid iyo kala shaandhayn ka bacdi ay soo baxeen 10 Urur-siyaasadeed oo iyaga iyo saddexdii hore ee Xisbi Qaran ay geli doonaan tartanka loogu tartamayo saddexda Xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sanno ee soo socda.

Waxa kale oo aan magacaabay 7-dii xubnood ee Komishashanka Doorashooyinka Qaranka, Golaha Wakiilladuna uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda, waxa uu yidhi, “Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo masiiri ah oo kala ah Doorashada ay saddex Xisbi Qaran ka soo baxayaan iyo Doorashada Madaxtooyada.

Hawlaha hoggaaminta Doorashooyinka waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Si aynu u xaqiijinno hir-gelinta Doorashooyinka waxa la inooga baahan-yahay dhammaanteenba in aynu iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories