Home‘Aaminaadda Qabiilku Waa Caqabad hortaagan horumarka Siyaasadda Dumarka’- (Warbixin)

‘Aaminaadda Qabiilku Waa Caqabad hortaagan horumarka Siyaasadda Dumarka’- (Warbixin)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- “Sucaad Cabdi ayaa sheegtay inay u tartami doonto doorashada golaha wakiilada, inkastoo fursadaha guusheedu la mid tahay sida neef geel ah uga gudbi karo daloolka irbada,” sidaa waxa lagu qoray maqaal lagaga hadlay fursadaha siyaasada dumarka Somaliland

Wargeyska The Guardian, ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo maqaal dheer ka qoray caqabadaha hortaagan fursadaha haweenka Somaliland Somaliland u leeyahiin ka qeybqaadashada siyaasada ayaa lagu bilaabay; “Dumarku caqabado ayey la kulmaan Somaliland. Shaqooyin way helaan, hanta way yeelan karaan, kana shaqeyn karaan arrimaha bulshada, laakiin, siyaasadu waxaa shaqada raga, dalkan ahaan jiray maxmiyadii hore Ingiriiska, jawharada xasiloon ee gobolka.”

MDG : Women’s empowerment in Somaliland : Suad AbdiRuux dumar ah ayaa ku jirta xildhibaanda labada gole ee Somaliland oo gaadhaya 164, halka saddex haween ka mid yihiin golaha xukuumada oo 40 ah, mana jiraan haween garsooreyaal ah, inkastoo 2012 la magacaabay afar xeer-ilaaliye-xigeen dumar ah markii koowaad.

Sucaad Cabdi oo ah wakiilka hay’ada Progressio ayaa sheegtay in haweenku uga maqan yihiin fagaarayaasha siyaasada maadama ay noqdeen kuwo fikiradaha reerahu qaabeeyaan, “Badi xisbiyada siyaasadu waxay taageero u raadsadaan reeraha, oo go’aamiya cida ay musharax ka dhiganayaan, mana keenaan haween. Reerahu waxay doonayaan raga, sababtoo ah, waxay ogyihiin in ragu adeecsan yihiin siyaasad reerkooda. Marka gabadha la guursado, adeecideedu waxay isu bedelaysaa reerka ninkeeda.” Ayey tidhi Sucaad.

Isku-day ururada bulshada iyo ururka nagaad ugu ololeynayeen xeer gaar ugu xidhaya in dumarku ku yeeshaan xubnaha baarlamaanka ayaa sannadkii 2007 ishortagaeen golaha guurtidu.

Madaxweyne Siilanyo oo la aaminsan yahay inuu taageersan yahay xeerka kuraas gaar loogu qoondaynayo dumarka ee goleyaasha baarlamaanka, ayey Sucaad shaki ka muujisay inuu 100% diyaar u yahay, inkastoo ay sheegtay in xukuumadu qaado masuuliyada talaabdan, “Kubadu waxay dhextaala baarlamaanka iyo madaxweynaha,”

Inkastoo su’aalo layska weydiinayo in qaabkan gaar loogu xidhayo kuraasta xal u yahay ku yaraanta siyaasada ee dumarka, ayey dhinaca kale, Helen Clark, oo ahaan jirtay raysal-wasaaraha dalka New Zealand, xilligan madax u ah hay’ada UNDP sheegtay inaan shaki kaga jirin, “waxaan filayaa hadii si kale la waayey in gaar loogu xidho kuraas ay xal tahay,” ayey ka sheegtay kulan dhowaan ka dhacay London.

Somaliland waxa tusaale ugu filan dalka jaarkooda Soomaaliya oo xubno gaadhaya 35 xildhibaano yihiin, kana badan Somaliland oo isu-dhigta dal siyaasadiisu ka horumarsan tahay Soomaaliya.

Sucaad Cabdi ayaa sheegtay inay tartan gasho, balse aanay niyada ku hayn noqoshada wasiir. “Markaad wasiir noqotid waxaa kula xisaabtamaya Madaxweynaha, fursado aad isbedel ku samayso way yaryihiin,” ayey tidhi. “Hogaamiyeyaashu waxay u qaataan dhaliisha mid shaqsi ah, halkay ugu arki lahaayeen fikrad wax dhisaysa, waxaanad noqonaysaa qof ‘Haa’ ah, aniguna ma noqon karo qof sidaa ah.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories