HomeAafada dhuxuleysiga oo si xawli ah uga socota Deegaanka Dhamal ee Woqooyiga...

Aafada dhuxuleysiga oo si xawli ah uga socota Deegaanka Dhamal ee Woqooyiga Hargeisa iyo hay’adaha ay khusayso oo ka gaabiyay inay waxka qabtaan‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhamal (SLpost)- Deegaanka Dhamal ee degmada Daarasalam oo ayaa si aan hore loo arag ay  muddooyinkan dambe si  xawli ah uga socdaa ganacsiga dhuxusha  oo dabar gooyay  geed weyntii iyo kaymihii  faaiidada badnaa ee  dhul daaqsimeedka Dhamal.

dhuxulaysiDeegaanka Dhamal oo ahaa dhul daaqsimeedka ugu habboon woqooyiga Hargeisa ee dhaw ee u dhexeeya  Illinta-dhexe, Illinta-bari iyo Balligacas ayaa baryahanba ay si  xawli ah ama aan hore loogu arag deegaankaas uga bilaabantay aafada deegaanka ee dhuxushu.  Wariyayaasha shabakadda Bulaxaarnews ayaa kadib codsiyo uga yimi xubno ka tirsan dadka waxgaradka ah ee xoola dhaqatada deegaanka, ugu baxay safar shaqo oo ay ku soo mareen meelo ka mid ah deegaanka Dhamal iyo sida  uu uga socdo hawlgalka dhuxushu.

Dhuxulaysatada ku jirta  deegaanka Dhamal oo dadkii aannu waxka waydiinnay ay noo xaqiijiyeen inay gaadhayaan 100 nin oo koox koox u hawlgala ayaa dagaal ba’an iyo gumaad  ku haya dhammaan noocyadii geed weynta ee deegaankaas ee galoolka u badnaa, qudhaca iyo noocyada kalena lahaa.   Sida qaybo ka mid ah deegaanka Dhamal uu caanka  ku ahaa, waxay  xataa gubeen geedihii  carmada meelaha qaar  ku gudbanayd ama qarinaysay geedweynta si ay meel bannaan uga helaan galoolka ay gumaadayaan.

Dhuxulaysatan ayaa dabka ka sokow, sidoo kale istimcaalaya  faashash waaweyn oo si dhakhso ah geedka u jaraya iyo qaabab casri ah oo ay geedaha qoyan ganacsi ahaan usoo geliyaan Hargeysa.  Marka ay geedka gubaan  ama ay gunta ka jaraan ee uu dhaco, waxay  ka reebaan caleenta iyo laamaha yaryar oo kaliya  waxanay xaabo ahaan iyo sarab ahaan usoosaaran gadiidka iska rogooyinka iyagoo hareerahana ka xigsiinaya qoryo engagan si aan loo arag marka ay magaalada soo galayaan.  Sidoo kale, waxay dadka qaar  noo sheegeen  inay u isticmaalaan  naafato ay mariyaan nabarka qoyan ee jirridda  geedka hadhay  iyo qaybaha ay sidooda u qaataanba  si  loo moodo gubad hore marka ay dabayshu ku dhacdo si ay u qariyaan.

Ma jiraan adeegyo bilays waxka qabta dhibaatadan haddiiba ay dadka qaar u dacwoon lahaayeen waayo ma joogo ciidan bilays deegaanka Balligacas,   Illinta-dhexe, Illinta-bari, Beeyo-baxday iyo deegaanno kale oo ku dhawba, waxana ugu dhaw   bilayska jooga  tuulada Daarasalam ee xarunta degmada Daarasalaam oo meelaha dhuxusha laga shidayo ee Dhamal qaarkood u jirta inka badan 60km.  Waxay  noosheegeen dadweynaha xoola dhaqatada ah ee Dhamal inaanay  wax bilays ahi uga iman xarunta degmada iyo meel kale toona.

Kooxaha dhuxulaysatada ah ayaa naloo sheegay inaanay qaarkood ahayn muwaadiniin balse loo soo kiraystay ganacsiga dhuxusha iyagoo ka garab shaqaynaya qaar deegaanka u dhashay  iyo sidoo kale inay  qaarkood ku  xidhanyihiin kooxo ka ganacsada dhuxusha oo Hargeysa deggan kuwaasoo sii maalgeliya dhuxulaysatada baabiinaysa deegaanka iyo  meheradaha moofooyinka ee roodhida sameeya oo ka iibsada noockasta dhirta qoyan.

Waxa kale oo ay dadka xoola dhaqatada ah iyo odayaasha aannu la kulannay noo sheegeen in aafada dhuxusha ay u weheliyaan dad kale oo meelaha qaar oodanaya dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ee ka caaganaa beeraha taasoo ay ka digeen odayaashu inay xaalad isku dhac  abuuri karto haddii aan waxba laga qaban.

Deegaanka Dhamal  ayaa  ahaa  boqcadda kaliya ee u bannaan xoolaha woqooyiga Hargeysa oo gaar ahaan xilliyada guwaadda iyo  kulaylaha ay  aad ugu nasan jireen gaar ahaan dadka xoola dhaqatada ahi, sidoo kalena xoolalayda deegaanno  ka fogfog oo koonfurta Hargeysa iyo meelo kaleba ahi  ku kulmi jireen, haseyeeshee, ay aad u naafaysay  aafada dhuxusha laga shidayaa.

Sidaa darteed, waxannu ugu baaqaynaa Wasaaradda Horumarinta Deegaanka & Horumarinta Somaliland iyo dhammaan hay’adaha dawladda ee arrintani khusayso inay waxka qabtaan   hawlgalka ganacsiga dhuxusha ee dabar goynta dhirta iyo gumaadka kaymaha Dhamal ee woqooyiga Hargeisa.

Xigasho:

Axmed Cumar Sanyare

Bulaxaarnews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories