HomeSh Aadan-Siiro: Astaantii Taakuleynta Danyarta iyo Carrooga Dulmanayaasha oo Aas Qaran lagu...

Sh Aadan-Siiro: Astaantii Taakuleynta Danyarta iyo Carrooga Dulmanayaasha oo Aas Qaran lagu Sagootiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo maanta xabaalaha Baqiic ee Wqooyiga Hargeysa loogu sameeyey marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) oo 14-kii July 2022 ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, culimaa’uddiin kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa janaasada marxuumka ku tukaday.

Ugu horrayn, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani), ayaa ku dheeraaday taariikhdii wanaagsanayd ee marxuum sheekh Aadan-siiro, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo.

Guddoomiyeyaasha maxkamadda sare iyo golaha wakiillada, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Mudane Cabdirisaaq khaliif Axmed oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland, waxana ay marxuumka Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, kana abaalmariyo wanaagyadii uu sameeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka marxuumka, bahda culimada iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey samofale weyn oo dunida korkeeda kaga tegay sunneyaal khayri ah oo bulshada waxtar u leh.

Madaxweynuhu waxa ku dheeraaday kaalintii samofal ee maxruumka iyo tallaabooyinkii wanaagsanaa ee ka shaqayn jirey markii uu noolaa iyo sida ay bulshada u anfaceen, “Waxa la isku raacsan yahay inuu sheekhu ahaa samo-fale weyn oo aad samaha uga shaqeeyey, wuxuu ahaa ninkii xabaalahan maanta lagu aasayo aas-aaskeeda lahaa ee hoyga Aakhiro lafihiisa iyo kuweennaba u diyaariyey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Marxuum Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro), ayaa kamid ahaa culimada waaweyn ee reer Somaliland, waxaana uu caan ku ahaa horumarinta adeegyada bulshada, caawinta danyarta, ka-hadalka Dulmiga iyo qallooca maamulka

blank blank blankblank blank blank blankblank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories