HomeAadan Muuse Jibriil: Diblomaasigii Ugu Haboona In Itoobiya Loo Magacaabo W/Q: Cabdiraxmaan...

Aadan Muuse Jibriil: Diblomaasigii Ugu Haboona In Itoobiya Loo Magacaabo W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gooni isu-taagii ka dib Somaliland waxay la timi aragti gobolka ku cusub oo ah in dalalka jaarka ee bariga Afrika nabad ku wada noolaadaan oo laga ilbaxo dagaaladii samayska ahaa ee laga soo dhoofin jirin dibadaha iyada oo la adeegsanayo madaxdii kala dambaysay ee dhulkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

cadmai 1

Madaxda iyo guud ahaan shacabka Somaliland waxay aaminsan yihiin in colaadaha, barakaca, abaaraha, faqriga iyo horumar la’aanta ee mandaqadu caanka ku tahay lagaga bixi karo iskaashi iyo is aaminaad dhex marta dawldaha gobolka.

bulshada Somaliland waxay qabaan inay dantoodu ku jirto in xidhiidh wanaagsan lala yeesho dhamaan beesha caalamka gaar ahaan dalka Itoobiya sidaa si la mid ah Itoobiyana waxay aad u danaynaysa inay iskaashi buuxa la yeelato Somaliland; dawlada Itoobiya nabad galyada iyo xasiloonida Somaliland waxay  u aragta inay xoojinayso amniga dalalka geeska Afrika.

In kasta oo ay liitaan kabayaasha dhaqaalaha Somaliland waxay si wayn u danaynaysa ganacsiga iyo isticmaalka dekadaha Somaliland. Mar hore oo aanu kulanay wasiirkii hore ee wasaarada “Capacity building”-ka ee Itoobiya Md Tafare Walwo wuxuu yidhi “xasiloonida Somaliland waxaanu u danaynaynaa haddii guriga nagu xiga gubanayo wuxuu carqalad ku noqon kara qorshahayga horumarineed ee dawlada Itoobiya higsanayso”. Sidaa awgeed saaxiibtinimada Somaliland iyo Itoobiya waa mid “strategic” ah oo wakhti kasta iyo xaalad kastaba inuu jiro loo baahan yahay (All weather friends). Baahidaa oo jirta hadana cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal wali may gaadhin heerkii ugu sareeyey. Dhanka Somaliland wuxuu xidhiidhku qaboobay mudadii madaxweyne  Siilaanyo xilka hayey, dawlada Itoobiyana dhankeeda uma ay hagar bixin in ay Somaliland ugu yaraan si dadban uga caawiso inay hesho aqoonsiga beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee waxaan u malaynayaa magacaabista Aadan Muuse Jibriil in ay tahay fariin cad in madaxweyne siilaanyo maanta ay dhab ka tahay inuu dardar geliyo xidhiidhka labada dal iyo inuu gaadhsiyo maqaamka ugu sareeya ee ay yeelan karan laba dawladood oo saaxibo ah siiba dhinacyada amniga iyo ganacsiga oo qayb ka qaadan kara koboca dhaqaalaha labadeena dal. Akhriste ujeedadu ma aha in ragii ka horeeyey aanay ahayn kuwo ku haboon wakiilnimada Somaliland balse waxay tahay Aadan Muuse Jibriil wuxuu kaga fiicnaan kara cid kastaba. wuxuu leeyahay aqoon sare iyo waayo-aragnimo dheeraad ah, wuxuu hibo iyo xirfad u leeyahay xidhaadhada caalamka gaar ahaan arrimaha gobolka bariga Afrika; isla markaa waa cilmi baadhe laga aqoonsan yahay qaarada iyo meelo kalaba oo lafa gura arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha Afrika.

Waxaa lagu casuumaa oo uu ka qayb gala shirar caalami ah oo lagu gorfeeyo ama lagaga doodo siyaabaha loo wanaajin karo maamulka dawladah Afrika ama looga tirtiri karo musuqmaasuqa dhaqanka ka noqday dalalka qaarada madow.

Aadan wuxuu xidhiidh la leeyahay  diblomaasiyiin iyo madax tiro badan, wuxuu galaangal u leeyahay xafiisyada AU -da ee xaruntoodu tahay  caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Sidaas daraadeed wuxuu ka midho dhalin kara hamiga iyo himilada labada dal iyo labada shacab oo midba ka kale si weyn ugu baahan yahay.

Gabagabo, safiir Aadan aqoon kasta oo uu leeyahay, dedaal kasta oo uu la yimaado wax badan ma xaqiijin karo haddii aan garabka lala qaban, wuxuu u baahan yahay taageerada madaxweynaha iyo siyaasad xukuumad midaysan oo leh ujeedooyin cad oo hagta wakiilada iyo diblomaasiyiinta kale iyo in xukuumada Somaliland karti u yeelato fulinta heshiisyada ay la gasho dawladaha kale.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories