HomeAadan Maxamed Mire Waqaf oo ku geeriyooday Dalka Malaysia + Tacsi Tiiraanyo...

Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ku geeriyooday Dalka Malaysia + Tacsi Tiiraanyo leh oo ay u dirayaan Madaxda Dawladda iyo Xisbiyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kuala Lumpur, 09 Jan, 2012 (SLpost)- Alle ha u naxariistee Marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) ayaa maanta ku geeriyooday dalka Malaysia oo xaalad caafimaad loo geeyay dhawaan.

Alle ha u naxariistee marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) waxa uu Somaliland ka soo qabtay Wasiirul dawladaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaan-dhiga xukuumaddii Rayaale, waxa kale uu markii Daahir Rayaale ka qaaday xilkii Wasiirka Gaashaan-dhiga sanadkii 2007-dii uu ku biiray Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaana markiiba loo doortay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi.

Waxaanu xisbigan ku jiray ilaa dabayaaqadii kal hore waxaanu hoggaaminayay garabkii isbedel doonka ee ka go’ay xisbiga UCID, hase yeeshee haddana waxa uu ka hadhay garabkii UCID ka go’ay ku dhawaaqay urur siyaasadeedka WADANI.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, dhambaal tacsi ah waxa iyaguna u diray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi iyo Ku simaha Guddoomiyaha xibsiga kala qeybsan ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Dhanka kale, Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI,  dhamaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururka WADANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii iyo qaraabadii uu  ka baxay.

Marxuum Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf  oo ku geeriyooday Xalay Dalka Malaysia

Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories