HomeAabuhu Waa Hagaha Qoyska - W/Q: Saddam Carab

Aabuhu Waa Hagaha Qoyska – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Inta aanad kalkiisa u gonda degin ayaad kalkiisa ka aragtaa inuu qof badanyahay, waayo waxa markaba ku soo jiidanaysa deganaantiisa iyo dunji wanaaga korkiisa  ka muuqda.

Wuxuu dhalay laba carruura oo sooran ah,  inanka aayaa labada weyn oo curadka reerka ah, Caalim wuxa uu aroortii u camal tagaa shirkad aan weynayn oo dhismaha ka shaqaysa, Hooyo Cosobna waxay inta badan ku hawlan tahay hagaajinta hoyga, qurxintiisa, iyo qaabayntiisa, iyo in ay carruurta u diyaariso wax waloo ay ugu baahan yihiin waxbarashadooda hadday noqoto dharkooda iyo dhuunigoodaba.

Inkasta oo casharada waqtiga iyo waayuhu ina siiyay ay ka mid tahay in bini aadamka hankiisa iyo hammigiisu mar walba joogto yahay oo halka uu joogo halka ka horaysa u heeryaysto, haddana dadku waa farahaaga oo kale oo way ku kala duwanyihiin, Caalim adduunka iyo hayntiisa kooban ee uu ka helo shirkadu war war badan kuma hayso, kamana walaacsana waayaha iyo waqtiga uu ku jiro, kama fikirsiiso faa’idada yar ee uu kuhaysto shaqadiisa, wuxuu kalsooni   buuxda ku qabaa qofnimadiisa iyo halka uu qotomo, qiimaha iyo qadarinta u bandanna wuxuu ku bixiyaa qalooc tiridda iyo qumani tusida labada carruurta ee uu dhalay.

Haddii uu shaqada ka soo rawaxo, sheeko iyo falanqayn macno daran kagama habsaamo ubadkiisa iyo ooridiisaba, waayo iyagaa agtiisa wax kale uga mudanaan badan, haa heey wuxuu u heelanyahay oo u hamuumayaa siduuu soo saari lahaa hawl karro hanta oo hogaamiya, horsedna u ah cidda ay hantida u yihiin, wuxuu ku fikiraa oo beegsadaa siduu bulshada ugu soo dari lahaa qof dhinac walba ka dhisan oo dheef usoo jiidi kara.

Fiidcawlka hore ayuu  soo fadhiistaa qolka fadhiga ee awlaaddu  ay wax ku akhristaan, kaligood ma aha e Aabbohood Caalim ayaa ka mid ah inta ay wax wada akhristaan ee waqtiga badan ku wada qaataan qolkan.

Casharada cilmiga ah iyo Duruusta diiniga ah ee loo soo dhigo ayuu u akhriyaa, marna la akhriyaa, oo ay wada akhriyaan, dabcan waa ka qayb Hooyo Cosobna oo golahan kama madhna mar mar ay hawl guriga ah ku mashquulsan tahay mooyaane.

Casharo loo soo dhigay oo uu la jilciyo uun golaha laguma hayo’e ee Hal xidhaalayaal iyo googaalaysi maskaxdooda iyo maankooda dhisaya ayuu ku mashquuliyaa oo mar marka qaarkood ku madadaaliyaa, sheekooyin macno badan xambarsaan oo casharo iyo cilmiba  u kordhinaya, khibradina ku dheehantay ayuu uga sheekeeyaa oo u soo gudbiyaa, dhinacyada ma eeg eegaan, oo xataa dhakada ma dhaq dhaqaajinayaan, dhegta ayuun baa taagan, way dhuganayaan, way dhadhansanayaan oo dhuuxayaan taariikhda iyo tilmaamaha ku dheehan ee loo soo tabinayo, wixii su’aal ahna si dhibirsan ayuu ugaga jawaabayey hadii bay ay waydiiyaan

Mar marka qaarkood wuxuu u mala awaalaa masawirna uga bixiyaa maalmaha adduunyadu sida ay isku gad gadiyaan, marar kale wuxuu iyaga ka dhagaystaa sheekooyin iyo aragtiyaha ay ka qabaan su’aalaha uu waydiiyo, waana ta u saamaxday in waxa ay tabanayaan ama tabinayaa si cad  u sheegi karaan.

Jimicsi iyo jidh dhis inay helaan way ugu jirtaa ajandaha oo jimcayaasha qaarkood wuxuu u saara magaalada banaankeeda  oo ay waqti kusoo qaataan.

Ubadka kale inay ka soocan yihiin waad soo saaraysaa markaba, waayo waxaa marka horeba ka gadisnayd halka iyo hoyga ay ku soo koreen, waxaa ka duwanayd waalidka ay nasiibka u heleen.

Sida ay u fikirayaan ee wax u faaqidayaan waa mid dadka intaa aragtay ka fajicisay, waayo 13 jir iyo 11 jir sidan u dhaqma ayaa aad ugu yar dbulshada ay ka tirsan yihiin,  Mar marka qaar haddaad u fiirsato xataa waxaa ku cajab galinaya qaab la dhaqankooda iyo dabcigooda wacan ee cid kastoo la kulantaa u riyaaqdo, kuna riyooto inay kuwan oo kale koriyaan oo ku faanaan.

Aabbo Caalim waxa uu  ku canqariyay ee caruurnimadoodii  ku carbiyay ayaa caynkan  ka dhigtay, waqti iyo waayo kala gadisan ayuu la soo maray, maalmo iyo habeeno ayuu u soo huray si u hagaajiyo oo u soo saaro qof quman, si uu u soo saaro qalbi fayow iyo maskax meel fog wax ka eegta oo fikirta.

Meel wal oo ay joogaan waalidka iyo cidda wax dhashay waa isku mid oo magac bay wadaagaan, waana kala mid oo hanka iyo himilada ayey ku kala heer sareeyaan, Maanka iyo Maskaxda Togan ee Qalbiga iyo NiyadaTolmooni la jirtaa wuxuu ka qaalisan yahay wax wal oo qadaadiic lagu bixiyo, Qoysaskuna waa wada qoysas hadana kala qaab, qumanaan iyo quruxbadan, magaca se way wadaagaan, Aabbaha iyo Hooyada fiican ee himiladadoodu durugsantay, hamigooduna fogyahay, waa kuwa ku soogan soo saarida dad faa’ido iyaga iyo ummadaba u uleh, Isku soo duuduuboo Qoyska  waxa gonda dhigasho u noqonaya in uu qaloocsamo ama uu qumanaado hadba lamaanaha  qoyska dhisayaa sida ay nolosha ka dhigtaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Qalinkii: Saddam Xusseen Carab

Saddamcarab@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories