HomeAabo ka Sheekeeyey Wiil uu Dhalay oo Laga Badbaadiyey Nin Berbera ka...

Aabo ka Sheekeeyey Wiil uu Dhalay oo Laga Badbaadiyey Nin Berbera ka Xaday

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Berbera (SLPOST)- Wiil yar oo lagu magacaabo Najiib Axmed Faarax, ayaa shalay laga reebay nin Itoobiyaan ah oo ka xaday xaafadda Laba Qow ee magaalada Berbera, iyadoo dad muwaadiniin ahi qabteen ninkaas oo xoog ku jiidanaya ilmaha yar oo da’iidiisa lagu sheegay lix sanno jir.

Berbera-city

Sheekh Axmed Faarax Maxamed (Daarasalaam) oo ah aabaha dhalay wiilka yar ee la isku dayey in la xado ayaa weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil uga waramay sida ilmaha yar lagu qabtay, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ilaahay u badbaadiyey wiilkiisa yar ee la doonayey in la xado.

“Walaal, arrintaasi way jirtaa oo iminka saldhigga booliska  ayaa ka imi, wiilkaygiina wuu ila joogaa, waannu caafimaad qabaa sida ka muuqata naxdin yar oo ku jirta mooyaane, arrintaasina waa mid Ilaahay loogu mahadnaqo in wiilkayga laga badbaadiyo ninka doonayey inuu xado.” Sidaa waxa yidhi aabaha wiilka yar dhalay oo imam ka ah masaajidka weyn ee Markiska magaalada Berbera.

Weriyaha oo Sheekh Axmed Daarasalaam weydiiyey xilliga wiilkiisa ugu war dambaysay iyo xilliga uu ogaaday in la xaday, waxa uu yidhi; “Inankaygu waa lix jir, waxaana iigu war dambaysay subaxnimadii maanta (shalay) markii aan guriga ka soo baxay. Markaa abaaro sagaalkii subaxnimo markay saacadu ahayd ayaa la ila soo hadlay anigoo ku sugan masaajidka Markiska oo aan imam ka ahay, waxaana la ii sheegay in wiilkaygii yaraa lagu hayo saldhiga booliska ee dekedda Berbera, markaas waan rumaysan waayey oo waxaan dadkii ila soo hadlay ugu jawaabay; ‘waar aniga inankaygu wuxuu joogaa gurigooda.’ intaas ka dib telefoono badan baa ila soo hadlay oo uu ku jiro taliyaha saldhiga boolisku, waannu ii yeedhay, sidaas ayaanan ku tagay saldhiga. Kadib waxa la i weydiiyey wiilkaas yar ma garanaysaa, anigoo naxsan ayuu inankaygiina dhinacayga u soo cararay, isagoo naxsan oo daal iyo dhidid badan ka muuqo.”

Aabo Axmed oo weriyuhu weydiiyey tallaabada uu markaas qaaday, waxa uu ku jawaabay; “Intaas ka dib, aniga ayaa afkayga ula tagay nin Oromo Itoobiyaana ah oo gacan go’an, waxaanan weydiiyey xaga uu wiilkayga ka keenay, waxaannu iigu jawaabay; ‘Walaashay ayaa dhashay oo abti ayaan u ahay, iyadaanan ku waday ee wiilkaagii maaha, arrintaasina mucjiso ayey igu noqotay, markaas ayaan laba dumar ah iyo nin saldhiga joogay oo la ii shay inay iyagu ilmaha yar soo badbaadiyeen ka waraystay sida wax u dhaceen, waxayna ii sheegeen inay arkeen ninka Oromada ah oo gacanta jiidanaya wiilka yar, kadibna laba dumar ah ayaa ka shakiyey ninka muuqaalka foosha xun ee inanka yar wata, waxayna ii sheegeen in nin ay garanayeen ka codsadeen inuu ninka Oromada ah weydiiyo halka uu ilmaha yar ka keenay iyo dhinaca ay u socdaan, markii intaas la weydiiyeyna wuxuu ugu jawaabay; ‘inanka yar waxa dhashay walaashay oo aan u wadaa.’ Kadibna ninkii muwaadinka ahaa wuxuu ka reebay wiilkayga ninka xadayey, sidaas ayaana lagu badbaadiyey, ninkii Oromada ahaana lagu xidhay.”

Falka isku dayga ah ee la doonayey in lagu xado wiilka yar ee lix sanno jirka ah, ayaa walaac iyo naxdin ku beeray dadweynaha ku dhaqan Berbera, iyadoo laga shakisan yahay in ninka Oromada ahi xidhiidh la leeyahay shabakad carruurta yaryar ka ganacsatada.

Xigasho-jamuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories