Home90 Suxufi Oo Tobabar loogu Qabtay Hargeysa

90 Suxufi Oo Tobabar loogu Qabtay Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargaysa(SLpost)-Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Qeybtiisa Maqal-muuqaalka Wareegga (MAVU), ayaa tababar kor loogu qaadayey tayada mihnadda saxaafadda u qabtay in ka badan 90 suxufi oo ka kala yimi dhammaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Tababarkan oo muddo laba maalmood ah ka socday hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa xafladdii furitaankiisa oo qabsoontay Arbacadii toddobaadkan ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Mr. Maxamed Faarax Xirsi, Isu-duwaha Barnaamijyada Akaademiga, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Madaxa Maqal-muuqaalka Wareegga (MAVU) Cabdiraxman Maxamed Axmed (Harbi) iyo in ka badan 90 suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah.

 

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, oo halkaa ka hadashay, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimaadda tababarrada noocan ah u leeyihiin kobcinta aqoonta suxufiyiinta Somaliland, gaar ahaan waxyaabaha la xidhiidha anshaxa wanaagsan ee warbaahinta, waxaanay ka-qaybgalayaasha ku dhiirrigelisay inay uga faa’iideystaan duruusta lagu barayo, kadibna ku dabbaqaan hawlahooda shaqo, iyadoo u mahadnaqday Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka oo qabtay tababarkaas

 

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sidii suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee Somaliland loogu baraarujin lahaa anshaxa wanaagsan ee aasaaska u ah mihnadda saxaafadda, isagoo xukuumadda iyo Akaadamiga Nabadda ka codsaday inay door ka qaataan sidii loo horumarin lahaa, loona kobcin lahaa aqoonta suxufiyiinta, isla markaana loo dhisi lahaa xarun lagu barto duruus la xidhiidha aqoonta iyo anshaxa warbaahinta.

Tababrkan oo ay daadihinayeen suxufiyiinta ruug-caddaaga ah ee Xuseen Cali Nuur, Faysal Fadhfadhle iyo Xasan Maxamed Jamac (Xasan Xiis), waxa ka-qaybgalayaasha lagu baray casharro la xidhiidha marxaladaha kala duwan ee warbaahinta casriga ah la tallaabsadaan, qaababka loo qaado wareysiyada iyo ahmiyadda anshaxa looga baahan yahay suxufiga.

Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo isaguna hadal ka jeediyey xidhitaankii tababarka maalintii Khamiista, ayaa tilmaamay inay ka shaqayn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo kobcinta anshaxa ee suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland.

Waxa kaloo uu ka qaybgalayaasha tababarkaas ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan duruusta la baray muddada labada maalmood ah ee tababarku u socday, waxaannu kula dardaarmay suxufiyiinta Somaliland inay ka shaqeeyaan sidii ummadda loogu gudbin lahaa warar iyo barnaamijyo ku qotoma anshaxa saxaafadda, isla markaana magaca Somaliland u gaadhsiin lahaayeen dadka kale ee ku dhaqan caalamka.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories