Home80-jir Madaxweyne Siilaanyo uga Ashkatooday Dhac ay u geysatay Hay’ad ka mid...

80-jir Madaxweyne Siilaanyo uga Ashkatooday Dhac ay u geysatay Hay’ad ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Wacad-fur uu kala kulmay Saleebaan-Gaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Madaxwayne, Waqtigii Cabdiraxmaan Tuur, waa tii aynu Meel Wada Seexan Jiray” Waayeel Cabasho U Gudbinaya Madaxwaynaha JSL

Hargeysa (SLpost)– Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) oo ah Siddeetan-jir ku dhaqan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo uga dacwooday dhul uu ku leeyahay Agagaarka Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo uu sheegay in Maamulka Haamaha Xoog kagala wareegtay, isla markaana ay dayr ku wareejisay.

JaahuurMaxamuud Jaahuur oo warbaahinta soo gaadhsiiyay Warqad uu ku socodsiiyey madaxweynaha Somaliland uu arrintaasi kaga cabanayo, waxa uu sheegay in dacwadda uu qoraalkan madaxweynaha ugu gudbinayaa ay sababta ka dib markii hay’adaha kale ee dawladdu ka dhegaysan waayeen cabashadiisa.

Qoraalka uu ku socodsiiyey madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:

“Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

U jeedo: Gudbin Cabasho Dhul

Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah odayaasha gobolka Saaxil ee Berbera, magacayguna yahay Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) waxaan halkan kuugu soo gudbinaya arrin aan kala maarmi waayay in aad ogaato ka dib markaan waayay cid mas’uul ah oo ka sokaysa iga dhegaysta igana qanciisa arrinta waana sidan:

  1. Waqtigii C/raxmaan “Tuur” waa tii aynu meel wada seexan jiray aniga, adiga iyo Suleymaan Maxamuud Aadan (Guddoomiyaha Guurtida) ayadoo aynu ku hawlanayn ama ku jiray dib u heshiisiintii Somaliland ee beelaha beriga, horena si wacan baynu isu naqaanay oo hawlo guud ee dalka ka wada shaqaynay.
  1. Waxaan magaaladda Berbera ku lahaa dhul ii cashuuran, dhisan, sharcigiisu ii dhan yahay oo dhisme, biyo iyo berked iyo seesba leh ku lahaa Berbera mudo ka badan 31 sano. Dhulkaas maamuladii kaa horeeyay laga soo bilaabo Tuur ilaa Rayaale cidi iguma soo weerarin wax aan is idhaahdo ma gaydidna ilma soo doonan.
  1. Waxaa nasiib daro iyo qaadan waa noqotay in maanta Dawladda aad hogaamisa dhulkaygii iga qaaday dayr ku wareejisay ogaysiin la’aan ayagoo ku andacooaya waxa leh dhulka Haamaha Keydka oo aan ii dhoweyn, weligoodna meesha aan aniguna degana, meeshayda. Qaynuunka islaamka iyo diinteena, kan caabka iyo kan dalkeena waxaa ku taal in la ilaaliyo hantida dadka iyo naftoodaba ay u helaan nabad iyo deganaansho hase yeeshee, iska qaata oo booba lama arag lamina maqal meelay sharciga kaga jirto. Waa xadgudub xuquuqdii qofka ku ah, gef xanuun badan marka inta hantida la dhaco aad weydo cid dacwad ka dhegeysata ama u dacwootaba.
  1. Waxaan ergo u dirtay saaxiibkeen Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida jawaabtii iiga timidna waxay noqotay ha ii keenina Jaahuur oo aan iga qabanayn kana filayn ergada Suleymaan waxaan ula jeeday oo kale in si fudud oo dareen lahayn aad u ogaato dhibtan si haboona loo xalayo arrinta mase noqon waana nasiib daro.
  1. Haddii dawladu dhulkaygaas dan guud uga baahato, waa arrin dhaca, has yeeshee dawladda arrimaha noocaa iskama boobto ee waxay qofka siisa xaqiisa wax u qalma, aniguna taas haddii ay jirtay waan aqbalayaa, waxaase aanu aqbalayn ama aqbali doonin in layska dayrto hantidayda iyadoo aan laygu qancin iib ama wax la mid ah oo hantidaydaas u dhigma.
  1. Waxaan Madaxweyne kaga baxaya hadalkan in si adag loogu fiirsado mas’uuliyinta qaranka ee shacbiga iyo dawladooda ka dhex aburaya nacaybka iyo fidnada ayaa la’aanta u horseedaysa.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories