HomeDhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida (Q:3): Hilary: Ardayaddii Clinton Magaciisa Illowsiisay...

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida (Q:3): Hilary: Ardayaddii Clinton Magaciisa Illowsiisay Iyo Cali Cabdalla: Adhi Jirkii Jacaylku Helay Ee Geeridu Deymada Haween Nacsiisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qormadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey.

Ardayaddii Clinton magaciisa illowsiisay:

Subax Arbacaad oo ku beegnayd 21kii Jeenaweri sannadkii 1998kii, ayaa uu Bill xaaskiisa oo hurdada kaga dambaysay toosiyey, kadib inta uu sariirta darafkeeda soo fadhiistay ayaa uu ku yidhi, “Wargeysyada maanta waxaa ku qoran war, waxa aanan doonayaa inta aanad warkaas akhriyin in aan wax kuu sheego” Warka uu Madaxweyne Bill Clinton afadiisa uga sii dardaarwerinayaa waxa uu ahaa bilowga fadeexaddiii caanka noqotay ee xidhiidhkii jacayl ee madaxweyne Bill Clinton iyo ardayaddii tababarka ku qaadanaysay guriga Cad ee Monika Lewinsky.

Hillary Clinton, sida ay ku sheegtay buuggeeda ‘Living History’ oo soo baxay 14 sano ka hor, in kasta oo warkani uu shoog ku riday haddana waxa ay ku calool adaygtay in ay garab istaagto saygeeda sumal xadka lagu eedeeyey oo ay ku caddayd in uu xidhiidh qarsoodi ah la’ lahaa ardayadda day’da yar.

Tobannaan sano ka hor ayaa uu ahaa kulankii koowaad ee xidhiidhkii jacayl ee guurka ku hoggaamiyey Hillary iyo Bill Clinton, waxa ay ku kulmeen Maktabadda Jaamacadda, kadib markii wiilka quruxda badnaa inta uu istaagay uu si aad ah ugu dhaygagay wejiga ardayadda dadaalka badnayd oo daqiiqado raadinaysay kitaab. Goor uu cabbaar eegayey ayaa ay Hillary ku war heshay indhaha ardayga Clinton ee sida yaabka leh ugu soo maqan, markiiba waxa ay wejigiisa ka daalacatay in uu danaynayo. Dhiirranaan yaab leh oo aan inta badan dhicin ayaa inta ay tallaabo kalsooni leh dhinaciisa ugu soo dhaqaaqday waxa ay ku tidhi, “Haddii adiga oo aan hadlin aad sidaas uun ii soo eegto, weligeen isma baran karno, ee barasho wanaagsan, aniga Hillary ayaa la’ i yidhaahdaa”

In kasta oo uu Clinton ka helay ardayaddan, aadna u eegayey, haddana kama uu filayn dhiirranaantan ay kaga naxsatay, sidaa awgeed markii ay ereyadan ku tidhi, hadalkii ayaa isaga dhex daatay oo isaga oo ka sheekaynaya waxa uu yidhi, “Markii ay intaa igu tidhi, xitaa magacaygii ayaa aan illaaway”

Afadii uu jeclaa markii ay ka dhimatay ayuu go’aansaday in aanu guursan gabadh dambe oo uu wejigeeda sii arkay

Buugga lagu magacaabo “Nisaa’u Zucamaa” haweenka hoggaamiyeyaasha, oo uu leeyahay qoraaga caanka ah ee Muumin Al-Muxamadi ayaa si xiise badan uga waramaya qisaska jacayl ee madaxweyneyaasha iyo boqorrada Carbeed u hayaan xaasaskooda.

Ragga uu qisaska xiisaha badan ka sheegayna waxaa ka mid ah oo uu bilowgaba soo qaddmayaa Madaxweynihii dhowaan gadoodka dadweyne xukunka lagaga tuuray ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix, oo uu qoraagu sheegayo in isaga oo yar oo ahaa adhi jir, raaca xoolaha qoyska caanka ah ee reer Al-Axmar uu jecayl aad u xoog badan u qaaday inan iyaduna adhi jir ahayd. Sannadkii 1964kii ayaa uu Saalix gabadhaa uu sida aadka ah u jeclaaday guursaday, isaga oo markaas 17 sano jir ahaa, laakiin waqtigu muddo dheer iskuma simin oo 15 sano kadib ayaa ay shil baabuur ku geeriyootay sannadkii 1979kii, waxa aanay ka tagtay shan hablood iyo laba wiil.

 Waxaa la sheegaa in jacaylka daran ee uu Cali Cabdalla Saalix gabadhan u qabay dartii uu dhaawac nafsi ahi soo gaadhay naxdintii dhimashadeeda awgeed. Inkasta oo uu Saalix gabadhaa kadib laba jeer guursaday, haddana arrinta xiisaha leh ayaa ah in isaga oo xasuusan xaaskiisaa hore awgeed uu go’aansaday in aanu eegin wejiga gabadha uu guursanayo ee keliya inta looga soo milxiiso uu isla markaba isaga oo aan si arkin la dadab galay labada dumar ahba.

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories