Home54 Arday oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera

54 Arday oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Berbera(SLpost)-Madal aad u qurux badan oo ay ku qalinjabinayeen 54 arday oo bartay culuumta badda ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadaas oo ku taal magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Munaasibaddan oo ahayd mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno wasiirro ah, maamulka dekada Berbera, maareeyaha haamaha shidaalka, xildhibaanada golaha deegaan, waalidiinta iyo ardayda.

Ugu horayn gudoomiyaha jaamacadda barashada culuumta Badda ee Berbera Kabtan Cabdiraxmaan ayaa sheegay faa’iidooyinka ay ardaydani u yeelanayaan qaranka iyo sida au u soo tababarteen, isaga oo hawlahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan mahad weyn u dirayaa maareeyaha dekada Berbera oo ardayda u sahlay in ay tababar ku soo  qaataan marka ay doonaan markabbo uu u diyaariyay oo u ogolaaday, markaa ardaydani waa arday dhisan oo si fiican wax u soo bartay qarankoodu wax wacan ku soo kordhin doona”

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta ahna guddoomiyaha gudida sare ee jaamacaddan ayaa isaguna madasha ka hadlay oo ka waramay muhiimada cilmigani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dunidababa waxaannu u mahadnaqay dhammaan macalimiinta, shaqaalaha iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay in ay ardaydani soo baxaan. Wasiirka waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan si diiran u hambalyeynayaa ardayda, waalidiintooda, macalimiintooda iyo intii ka qaybqaadatayba. ILLAAHAY Khayraadka uu inna siiyey waxa ka mid ah hawada iyo badda. Hawada iyada waynnu cashuurnaa oo cid kasta oo marta waa la garanayaa laakiin biyuhu way dayacan yihiin, balse ardaydan baa daboolli doonta baahidaas”

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa ardayda hambalyo u diray macalimiinta iyo maamulka jaamacaddana u mahadnaqay.

Wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyada Cismaan Saxardiid Caddaani, Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi, Duqa Magaalada Berbera, Maareeyaha Dakada iyo Maareeyaha haamaha shidaalka ayaa dhammaantood ardayda ku hambalyeeyay dadaalka ay soo mareen iyo faa’iidooyinka ay qaranka u leeyihiin.

Maareeyaha Dekadda Cali Xoor Xoor ayaa balanqaaday in uu arday dhawr iyo toban qof ah shaqo siin doono oo ay ka hawlgali doonaan dekadda magaalada Berbera.

 

Somalilandpost.net, Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories