HomeGeeska Afrika Oo Helay Warqad Diblumaasiyadeed, Ay Ireland Kaga Jawaabtay Cabasho Ay...

Geeska Afrika Oo Helay Warqad Diblumaasiyadeed, Ay Ireland Kaga Jawaabtay Cabasho Ay Somaliya Ka Gudbisay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalkaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa ilo-diblumaasiyadeed oo uu xidhiidh la leeyahay ka helay Qoraal ay dowladda Ireland kaga hadashay safarkii ay horraantii bishii Oktoobar 2015kii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ku tageen dalka Ireland, booqashadaas oo xilligaas ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay in ay ahayd mid rasmi ah oo uu madaxweynuhu martiqaad ka helay, ayaa sida qoraalkan ka muuqda waxaa cabasho ka muujiyey dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ku niyadsamaan in safarkaasi uu u muuqdo mid rasmi ah, arrintaas oo keentay in diblumaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya oo metelaya dowladdoodu ay la xidhiidheen danjiraha Ireland u fadhiya Kenya Dr.Vincent O’Neil, si ay tafaasiil uga weydiiyaan safarka waftiga Somaliland iyo mawqifka Ireland ee Somaliland.

Qoraalkani waa jawaabtii ay dowladda Irelnad oo soo maraysa Danjire O’Neil ka bixiysay cabashadaas, waxa aanay kaga hadashay Afar qodob oo ku aaddan xidhiidhka Ireland iyo Soomaaliya, mawqifka Ireland ee madaxbannaanida Somaliland, ujeedada safarkii madaxweynaha, nooca martiqaad ee waftiga Somaliland ku tagey Ireland iyo sidoo kale meeqaamka kulankii uu madaxweyne Siilaanyo 6dii Oktoobar magaalada Dublin ee xarunta Ireland kula yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Michael D. Higgnis.

Ireland waxa ay Soomaaliya u sheegtay in safarkaasi uu ahaa mid ku yimid marti-qaad aqoon-is-weydaarsi oo urur madax bannaani uu madaxweynaha iyo waftigiisa ku casuumay xaruntiisa Ireland, kulamadii madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisu dalkaas ku soo yeesheenna ay dhammaantodo arrintaas uu xidhiidh la’ lahaayeen.

“Ma jiro wax-is-beddel ah oo ku yimid xidhiidhkii siyaasadeed ee Ireland ay la’ lahayd dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”

Ayaa ay dowladda Ireland ku bilowday warkeeda, iyada oo caddaynaysa mawqifkeeda Somaliland ku aadanna waxa ay tidhi, “Marka Somaliland laga hadlayo, Ireland waxa ay si buuxda Midowga Yurub ugala moqif tahay in arrinta Somaliland xal waara lagaga gaadhi karo uun wada xaajood dhex mara maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Xal nabadeed oo la gaadhaana waxa ay dan u tahay dadka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa Somaliland iyo sidoo kale bulshada caalamka”

Dowladda Ireland oo qoraalkan diblumaasiga ah dowladda Muqdisho ugu sharraxaysa booqashada madaxweyne Siilaanyo iyo meeqaamkeeda ayaa intaas ku sii dartay, “Booqashada ay toddobaadkii hore, Ireland ku yimaaddeen madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu, ma’ay ahayn mid rasmi ah. Waxa ay ku timid martiqaadkan uu soo saaray urur la-talineed madaxbannaan oo dhinaca diblumaasiyadda ah, ujeeddadiisuna waxa ay ahayd in waftigani ay wax ka bartaan waayo-aragnimada ay Ireland u leedahay nabadaynta iyo xal u helidda khilaafaadka, iyo in la barto dadaalladii nabadaynta ee Somaliland. Dhammaan kulamadii ay waftga (Somaliland) yeesheen intii ay booqashada ku joogeen Ireland xudduntoodu arrintaas ayaa ay diiradda saaraysay”

Ugu dambayntii danjire Dr. Vincent O’Neill waxa uu diblumaasiyiinta Muqdisho ee cabashada gaadhsiiyey qoraalkan ugu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in qoraalkiisu uu jawaab waafi ah u noqdo cabashadooda, waxa aanu ka codsaday in ay warqaddan u sii gudbiyaan Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Isaga oo mar kalana qoraalkiisa ku soo xidhay in ay dowladdiisu tixgelinta ugu sarraysa siinayso sii socoshada xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ireland.
Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories