HomeWefti Xildhibaanno Haween ah oo ka Socdalka Barlamanka Jabuuti oo Somaliland booqasho...

Wefti Xildhibaanno Haween ah oo ka Socdalka Barlamanka Jabuuti oo Somaliland booqasho ku yimi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 17 February, 2012 (SLpost)- Wefti Xildhibaanno Haween ah oo ka socda Baarlamanka dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreysay booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana si diirran loogu soo dhaweey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Weftigan Xildhibaannada ah ee ka socda Baarlamanka dawladda Jabuuti oo ay hoggaaminaysay Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble ayaa ka kooban shan Xildhibaan oo Haween ah oo dhammaatood ka tirsan Baarlamanka Jabuuti. Waxaana garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeenku soo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Xoghayeyaasha iyo hawladeennada labadaa gole, masuuliyiin ka tisan Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland kulmisa ee Nagaad, waxaana qolka nasashada garoonka diyaaradaha ee Hargeysa si diirran ugu qaabbilay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.

blankMadaxa Weftiga Xildhibaannada Baarlamanka Jabuuti Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble, oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, ayaa sheegtay in safarkani yahay kii ugu horreeyey ee ay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ku yimaaddaan, isla markaana waxay u mahad-celisay Shirgudoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xildhibaannada labada gobole Baarlamaan ee Somaliland ee sida diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha.

 Xildhibaan Caasha waxay sheegtay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho mid isbarasho ah dhexmarta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaan Xildhibaannada Haweenka ah. “Ujeeddada safarkayagu waxay la xidhiidhaa mid is-barasho oo dhex marta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti oo runtii ah laba dal oo xidhiidh fiican oo walaalnimo, derisnimo iyo Soomaalinnimo ka dhexeeyo.” ayey tidhi Hoggaamiyaha Weftiga Baarlamanka Jabuuti Caasha Maxamuud Rooble.

 “Marka hore labada Gole xidhiidh koodu aad iyo aad ayuu u fiican yahay waa laba Gole oo wallaalo ah oo Muslim ah, markaa maxay ka badalikaraan waa markii ugu horaysay ee ay Somaliland yimaddaan  Haween Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamanka Jabuuti.” Sidaas ayey tidhi Hoggaamiyaha Weftigu Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble oo ka jawabaysay su’aal laga weydiiyey waxa uu safarkoodani ku kordhin karo xidhiidhka labada dal.

Xildhibaanku mar ay ka hadlaysay cidda ay la kulmi doonaan muddada ay Hargeysa ku sugan yihiin oo illaa Isniinta soo socota ah, waxay tidhi; “Waxaannu kulammo la yeelan doonnaa Baarlamanka Somaliland, gaar ahaan Xildhibaannada Haweenka ah ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, waxaannu ka wadahadli doonnaa kana wada sheekaysan doonnaa arrimo badan oo la xidhiidha nolosa Haweenka, horumarkooda, doorkooda waxbarasho, siyaasadeed iyo gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa gudniinka Fircooniga ah oo runtii ah mid dhibaatadiisa leh.”

Sidoo kale, Xildhibaan Baar Siciid, ayaa sheegtay inay iyada farxad gaar ah u samaynayso inay Xildhibaanno Dumar ah oo ka socda Baarlamanka Jabuuti Somaliland ugu yimaaddaan.“Aad ayaann u soo dhaweynaynaa Weftiga Jabuuti ee Hablaha ku jira Barlamaanka Jabuuti, waxaan leeyahay soo dhawaada waa dalkinii Hooyo Somaliland,  Jabuuti iyo Somaliland waa laba dal oo wallaalo ah, mararka qaarkood waxaad is odhanaysaa waa hal dal oo aad ayaanu idiinku soo dhawaynaynaa Caasimadda Hargeysa. Waxaan filayaa inaad nagala tagi doontaan farxad badan.” Sidaas ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid.

Sidoo kale, Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ah Haweenayda kaliya ee ka tirsan Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay Weftigan Haweenka ah ee ka socda Baarlmanka dalka Jabuuti. “Runtii maanta aad iyo aad ayaad mooddaa inay shucuurtaydu u sarrayso oo aad ayaan ugu farax sanahay Xildhibaannada Haweenka ah ee ka socda Baarlamanka Jabuuti, waxaanan leeyahay waa idin soo dhaweenaynaa. Waa wakhtigii ugu horreeyey ee aannu idin aragno Hablo ka socda Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo aannu wallaalo nahay, Somaliland waa dalkinnii labaad ee soo dhawaada.” Sidaas ayey tidhi Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ah Haweenayda kaliya ee ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftigan ka socda Baarlamanka Jabuuti waxay kulammo la yeelan doonaan muddada ay dalka ku sugan yihiin sida ay sheegeen golayaasha Baarlamanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, waxay si gaara kulammo ula yeelan doonaan Xildhibaannada Dumarka ah ee golayaashaas iyo Ururrada Haweenka Somaliland, gaar ahaan Masuuliyiinta Dalladda Nagaad oo kulmisa Ururrada Haweenka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland yimaaddaan Xildhibaanno Haween ah oo ka socda Baarlamanka dalka Jabuuti.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories