Home45 Carruur Jinsiyaddoodu Yuhuud Tahay Ayaa Sannad Gudihii Loo Bixiyey Maxamed...

45 Carruur Jinsiyaddoodu Yuhuud Tahay Ayaa Sannad Gudihii Loo Bixiyey Maxamed Iyo Axmed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Israa’iil ka socday doodo iyo dareenno la xidhiidha magacyada loo bixinayo ubadka dhalanaya oo dabcan sharciga Israa’iil u aqoonsan yahay in ay yihiin Yuhuud, xitaa haddii aanay isir ahaan ka soo jeedin dadka Yuhuudda ku abtirsada, sida Carabta Israa’iil iwm.

Warbixinaha caafimaad ee rasmiga ah ayaa muujinaya in sannadkii u dambeeyey carruurta ku dhalatay Israa’iil 45 ka mid ah loo bixiyey Muxammed, 11 loo bixiyey Axmed, 6 carruur ahna loo bixiyey magaca Cabdi oo uu la socdo mid uun ka mid ah magacyadda Alle (SWT).

Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay oo wargeyska Al-Cukaaz ee ka soo baxa dalka Sucuudigu uu ka soo xigtay shabakadaha wararka ee Israa’iil ayaa intaas ku daraya in toddobaad ka hor waaxda Tiro-koobyada Israa’iil warbixin ay faafisay ku caddaysay in magaca Axmed uu yahay ka ugu badan ee sannadkii hore loo bixiyey carruurta dhalatay, kaalin sarana uu kaga jiro guud ahaanba magacyada muwaadiniinta Israa’iil, waxaana la baxa Carabta Israa’iil oo loo aqoonsan yahay muwaadiniin. Laakiin arrinta yaabka imika yeelatay ayaa ah in carruurtaas tirada badan ee magacyadan loo bixiyey ay sannadkan dheerayd in 45 carruur ah oo jinsiyaddoodu Yuhuud tahay loo bixiyey Muxammed, taas oo macnaheedu yahay in labadooda waalid midkood Yuhuudi yahay, sidoo kale 11 carruur ah oo iyaguna Yuhuud jinsiyaddoodu tahay ayaa loo bixiyey Axmed. Sannadkii kaas ka sii horreeyey ee 2014 kana isku-darka carruurta Israa’iil ee Carabta ah iyo kuwa Iska-dhalka ah ee loo bixiyey Muxammed waxa ay gaadhay 2’650.

Arrintani waxa ay muujinaysaa in ay kordhayso tirada kala guursiga Yuhuudda iyo dadka Carabta ah ee Israa’iil ku dhaqan, arrintaas oo aad uga cadhaysiisa kooxaha u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta saafinimada JinsiyaddA Yuhuudda, iyo kuwa ku dooda in Israa’iil ay noqoto dal Yuhuuddu gaar u leedahay. Waxaa iyaguna arrintan walaac weyn ka muujiyey xisbiyada xag-jirka ku ah diinta Yuhuudda iyo kooxaha la dagaalama is-dhex-galka Yuhuudda iyo Carabta.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories