Home5-tii ugu Khatarta Badnaa, Howl-gallada Budhcada Internet-ka - Q-1aad

5-tii ugu Khatarta Badnaa, Howl-gallada Budhcada Internet-ka – Q-1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hackers

Tan iyo markii nolosha bulshada caalamku noqotay mid aan sina uga maarmin internetka , ku xidhnaantiisa iyo baahida loo qabaana  sii xoogaysatay, waxa daris la noqotay nolol maalmeedkii binu aadamka, xaalad wer-wer oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaysa.

Waxa heegan loogu jiraa , difaaca weerarada aan kala go’a lahayn ee ka soo burqanaysa , dadka loogu yeedho budhcada Net-ka (Hackers).

Computerada guryaha lagu isticmaalo ee shaqsiga ah uun kuma koobna dhibta budhcada Internetku, laakiin waxa sidoo kale dhibanayaal u ah , shirkadaha iyo ganacsatada ugu waaweyn caalamka, kuwaas oo ka dhaxla khasaare laxaadleh hujuun kasta oo ku yimaada.

Waxaynu qormadeenan oo aynu ku bilaabi doono shantii weerar ee budhcada Mareeguhu, soo qaadaan ee ugu khatarta iyo khasaaraha badnaa dunida, gunaanadkeeda ku eegi doono, tallo iyo tusaale amni ee lagaga gaashaaman karo, khataro kale oo soo wajaha dunida Inter-net-ka,  .

Waxaanay kala yihiin shanta halisood ee la soo darsay mareeguhu sidan hoose:-

1.   Wiilkii Khal-khaliyey Shabakadihii Ugu Tunka Weynaa Dunida

 Horaantii sanadii 2000, waxa lama arag iyo lama filaan ku noqotay , khubaradii dunida hormuudka uga ahayd arimaha Computer-ka,  falkii uu sameeyey 15 jirkii reer Canada ee Micheal Calce, oo markaa naanays ahaan u watay (Aka-mafia Boy) , kaas oo farsamada uu isticmaalayay oo aad u hoosaysay , isagoo adeegsanaya Barnaamijka “D DOS ama Distributed denial of service Attack” wuxuu hawada ka saaray badi  shabakadihii ugu waaweynaa dunida.

Calce, wuxuu walxihii kaydka xogta (Serverada) u diray, amaro badan oo isdaba joog ah , kuwaas oo ay la qabsan kari waayeen , fahmina waayeen, arintaas oo sababtay in gebi ahaanba hawada laga waayo shabakado ay ugu horeysay, YAHOO. Oo markaas ahayd xog-raadiyaha (SEARCH ENCHINE) kowaad ee dunidu wax ku baadhi jirtay.

Kadibna wuxuu jabsaday shabakadaha, eBay, CNN, Amazon iyo Dell. Inkastoo shirkadda DELL ay markii hore sheegtay inaan iyada dhibi ka soo gaadhin mashaqadaasi, hadana mudo kadib waxay tilmaameen inay jirtay falkaas lagu jabsaday xogtoodu.

Khasaarihii ka dhashay weeraradaas oo lagu qiyaasay inay gaadhaysay USD 1.2 Million Dollar, isla markaana iftiimisay sida fudud ee lagu jabsan karo xogta website-yadaas ku kaydsanayd, waxay dhalisay in siyaasiyiinta dunida ka qaylido Amaanka mareegaha Dunida , madaxweynihii wadanka Maraykanka ee waagaas BILL CLINTON ayaa kamid ahaa madaxdii degdega uga jawaabtay saamayntii weerarkaas, waxaanu shir degdeg ah isugu yeedhay golihiisa qaranka, kaas oo lagaga arin sanayay amaanka Inter-net-ka.

Wiilkaas da’diisu aadka u yarayd wakhtigaas ee khasaaraha aduun ee intaas leeg sababay , oo hada ah nin dhalin yaro ah , la taliyna u ah , shirkadaha waaweyn dhinaca amaanka iyo ilaalinta xogaha Net-ka, ayaa dhawaan waraysi uu siiyey mid kamid ah shabakadihii uu dhibaatada u geystay ee CNN, ayaa sheegay inay wali jirto dhibaatadii dhinaca amaanka ee uu xiligaas iftiimiyey.

 

2- Sonny Play Station System Oo God-kiisa Biyo Ugu Galleen

Ilaa maantadan aynu joogno, waxaa jira dad aan aaminsanayn in Virus-ku dhex mushaaxi karo, aalada Maaweelada (Play Stations),  waxase tuhunkaas meesha ka saaraya, falkii lagu bartilmaameed saday shirkada SONY oo ah tan ugu caansan soo saarida barnaamijka ciyaaraha (Play Station ) , bishii April, sanadkii 2011.

Weerarkan  qawlaysatada (Hackers) ku ku qaadeen SONY , waxay isla markiiba ka mid noqotay, weerarada ugu khatarta iyo khasaaraha badnaa ee ka dhaca mareegaha taxan ee INTERNET-ka loo yaqaan.

Waxa ladhacay oo la jabsaday , 77 million oo qof, accounaddii ugu furnaa shabakada SONY,  maamulka shirkaduna wuxuu markiiba shaaciyey inay so oaf-jareen oo dib ula soo noqdeen data-dii la xaday, laakiin waxay markii dambe mar kale shaaca ka qaadeen , in howshu ka culus tahay sidii ay markii hore filayeen, system-kii maaweelada fool-ka-foolka ahina (ONLINE PLAY_STATION SYSTEM) wuxuu hawada ka sii maqnaa muddo saddex asbuuc (Todobaad) ah oo kale.

Khasaarihii soo gaadhay shirkadda SONY , waxa lagu qiyaasay inuu dhan dhamaa, $171 million ( Boqol iyo kow iyo todobaadan Million oo Dollarka Maraykanka ah).

La Soco Qaybta 2aad……………

Diyaariye: Caydaruus Sheekh Cumar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories