HomeGuddoomiye Cirro Oo Sheegay In Madaxweynaha uu Ku Ceyiy Warqadii Uu Doonayay...

Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Madaxweynaha uu Ku Ceyiy Warqadii Uu Doonayay Inuu Isku Hortaago Go’aankii Golahu Ka Gaadhay Haamaha Shidaalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa si rasmi ah u sheegay in madaxweynaha uu ku celiyay in aanu awood u lahayn inuu is hortaago go’aan gole.

 

Waxa uu Cirro sheegay in madaxweynaha ay u banaantahay inuu soo celiyo marshuucyada sharci se aanu dastuurku awood u siin uu isku hortaago go’aanada golaha, waxaanuu dhaliilo u jeediyay labadiis ku xigeen oo taageeray go’aanka madaxweynaha.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Marka hore waxaan doonayaa inaan shacabka u sheego sida xeerhoosaadku sheego gokaha waxa matala oo afkiisana ku hadli kara gudoomiyaha golaha wakiilada.Golaha wakiiladu laba wax ayuu sameeyaa midi waa shuruuc, midna waa go’aamo, dastuurku waa uu tilmaamay marka ay shuruuctahay madaxweynuu inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo oo qodobka 78-aad ee dastuurka ayay ku cadahay, dastuurku ma jiday meelna kagama qorna inuu madaxweynuu soo celiyo go’aan gole,kuma jirto meelna kuma xusna,go’aankani waxa uu ahaa mid ay isku raaceen aqlabiyada golaha aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaaya magaca golaha waxaan u celiyay oo aan u tilmaamay madaxweynaha inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo marshuuc sharci hasayeeshee aanu dastuurku jidayn in uu go’aan sharci soo celiyo.”

Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Warqada laba qodob ayaa ku qornaa midi kaas ayuu ahaa, baryahan waxa inugu soo noqnoqonaysay muranka dhulka markaas qodobka labaad waxa uu ahaa inuu dastuurku jideeyay in la sameeyo xeerka dhulka intaan la iibin ama wax kale la samayn in xukuumaddu sida ugu dhakhsaha badan ay u soo samayso si looga baxo muranada badan ee ka jira maamulka hantida qaranka. waxaan maqli jiray barigii hore geela la kala dhici jiray oo inta nin wadaad ah  loo geeyo oo la yidhaahdo xoolahan wax ka qaado anagana noo xalaalee, markaas waxaan is leeyahay xukuumadu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya,saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina wadaadadaas geela la soo dhacay cida soo dhacday u xalaalaynaysa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories