HomeGuddida Gurmadka Abaaraha iyo hay'adda Khaliifa Foundation oo Todobaadka dambe dalka ka...

Guddida Gurmadka Abaaraha iyo hay’adda Khaliifa Foundation oo Todobaadka dambe dalka ka bilaabaya Raashin Qaybin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

1(569)Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudida uu madaxweynaha Somaliland  u saaray abaaraha sameeyey gobolada dalka qaarka mida iyo weftigii imaaraadka carabta oo uu hogaaminaayey Jumca khamiis  oo dhawaan dalka  u yimid baaqa abaaraha, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta qasriga madaxtooyada waxa ay si wada jira shaaca uga qaadeen in la bilaabi doono qaybinta wixii taakulo ah ee loogu talagalay dadka ay  abaaruhu saameeyeen  ee gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka.

Jumca khamiis oo hogaaminayey waftiga ka socday wadanka imaaraadka carabta gaar ahaan hay”adda khayriga ah ee al khaliifa foundation ayaa sheegay inuu soo diray madaxweynaha dawlada imaaraadka carabta  khaliifa binu saayid al nahyaan.

 

Sida wanaagsan ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen,  Jumca khamiis ayaa sida oo kale sheegay in ay soo kormeereen meelo ka mida dhulka ay abaaruhu saamayeen halkaasi oo ay ku soo arkeen saamaynta xun ee ay abaaruhu ku yeesheen deeganadaasi ,  waxaanu si rasmiya u shaaciyey in si dhakhsaa dadkaasi taakulo loola gaadhi doono hadii illaahay yidhaahdo iyaga oo iska kaashanaya gudida abaaraha u xilsaaran

Madaxweyne ku xigeenka jsl Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudida loo xilsaaray abaaraha ayaaa sheegay in ay si wayn u soo dhaweynayaan waftigani ka socda dawlada imaaraadka carabta  ee sida dhakhsaha ah uga soo jawaabay baaqii madaxweynaha qaranka.

waxaana hadalada madaxweyne xigeenka ka mid ahaa“waxay walaalaheena Imaaradka carabtu u yimaadeen inay arkaan abaaraha, waxayna tageen gobalada galbeedka Awdal iyo Gabiilay,wiiga soo socda ayay raashin u qaybinayaan qoysaska ugu horeeyay oo ah kuwa ugu daran, waxyna soo arki doonaan dhibaatada ka taagan xeebaha iyo dhulka gubanka ah.”

Baaqii madaxweynuhu u diray beesha caalamka  kaas oo ahaa in la taakuleeyo dadka ay abaaruhu saameyeen, madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhawaajiyey in  sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono qaybinta gargaarka loo qorsheeyey dadka ay baaruhu wax yeeleeyeen

Waxa kale oo u sheegay in loo kala horaysiin doono qaybinta gargaarka  sida loo kala daran yahay ee abaartu u kala saamaysay dadka iyo xoolahaba.

Gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka ee abaartu saamaysay ayaa waxa hore gargaarkii ugu horeeyey gaadhsiisay xukuumada Somaliland iyadoo u sii marisay Gudida abaaraha oo iyana ku sii wareejiyey gudoomiyeyaasha gobolada abaartu ka jirto.

Ka dibna waxa dalka soo gaadhay weftigan ka socda Imaaraadka carabta oo baaqii madaxweynuhu diray ka soo jawaabay wefti balaadhan u soo diray dalka, weftigaasi oo uu soo dhaweeyey wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta oo isagu mudooyinkii u danbeeyey ka shaqaysiiyey xafiiskii uu ku lahaa imaaraadka xidhiidh wanaagsana u bilowday isaga iyo dawlada imaaraadka carabta weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo gaadhayna uu kaga hortagaayey garoonka diyaaradaha ee cigaal International Airport.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories