HomeXildhibaan C/Raxmaan Dheere Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Eedeeyay Inay Sharciga Dalka...

Xildhibaan C/Raxmaan Dheere Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Eedeeyay Inay Sharciga Dalka Iska Indho Saabeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Haddii Guurtida Lagu Qasbo Inay Ka Noqoto Muddo Kordhinta Ay Sameeyeen Waa Nabar Ku Dhacay Somaliland Waligeedna Daba Socon Doona”

 ‘Arrinta Doorashada Ee Saamaynta Ku Yeelatay Masraxa Siyaasadeed Waxa Ka Wasuula Komishanka Doorashooyinka Qaranka’ Cabdiraxmaan Dheere

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay Koomishanka doorashooyinka Qaranka oo uu ku eedeeyay inay baal-mareen dastuurka dalka u yaalla.

Cabdiraxmaan Dheere oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in murankii ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen  xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ay ka masuul yihiin komishanka doorashooyinka maadaama oo ay baal-mareen go’aankii dastuuriga ahaa ee muddo kordhinta ay ku sameeyeen aqalka odayaashu.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere waxa kale oo uu sheegay in aan la aqbali Karin in laga noqdo muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo aqalka hoose ee baarlamaanka.

“Arrinta doorashooyinka ee saamaynta ku yeelatay masraxa siyaasadeed ee Somaliland iyo muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda waxa aan isleeyahay murankaas waxa ka masuula komishanka doorashooyinka qaranka, iyadoo ay caddahay oo la yaqaano nidaamka loo maro muddo kordhinta oo ay awood u leeyihiin inay doorashadda ku qabtaan xilliga sharciga ah ee jira gudihiisa bisha Juun 26keedii 2015, mudadaa ka horaysay  ayay awood u lahaayeen  in ay gudaheeda ku qabtaan doorashooyinka. Iyagoo raacaya shuruucda dalka,”ayuu ku dooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Laakiin, nasiib darro waa kuwii wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan ay cayimeen Golaha guurtidu, laalayna soo jeedintii Komishanka ee sharci darrada ahayd, markaa muranka iyagaa bilaabay oo masuul ka ahaa in muran ka yimaado muddo kordhinta.”

“Tan labaad ee dhacday ee xisbiyadda mucaaridka ku kaliftay inay yidhaahdaan shir qaran ayaan qabanaynaa komishanka ayaa sababay markii ay yidhaahdeen ma garanaynayo doorashadda wakhti aan ku salayno, iyadoo ay haystaan go’aankii Golaha Guurtida ee sharciga ahaa, intaas oo komishan oo ka horeeyay xeerarkan way ku shaqeeyeen wali kumay dhicin arrin noocan oo kale ah, waxaana ay ku habboon tahay in la waydiiyo komishanka in shuruucda qaranka ay raacayaan iyo in kale, ayay ku habboon tahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.

Xildhibaanku waxa kale oo uu baaq u jeediyay xukuumadda, waxaanu yidhi “Xukuumadda ayaad moodaa in labac-labac ku jirto oo ay og yihiin in Golaha Guurtidu ansixisay muddo kordhin oo ay u codaysay, haddii tallo jeedin gudbinayaan waxa ay ahayd inay gudbiyaan intii aan Golahaasi muddo kordhinta samayn, markaas ayay Guurtida eeda la saari lahaa oo la odhan lahaa talladii aanu gaadhnay tix-galin lama siin, laakiin guurtidii oo muddo kordhin samaysay oo ay awood u leeyihiin oo qodobka 83 ee dastuurku siinayo inay qiimeeyaan wakhtiga doorashadda muddo kordhina sameeyaan.”

Mudane Cabdiraxmaan Dheere isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Xaq umay lahayn in xisbiyadu heshiis ka dabo-geeyaan xukuumaduna inay ku doodo maaha waa, in ay xukuumaddu xisbiyadda u caddayso in Guurtidu kordhisay oo lagu shaqaynayo xiliga kordhinta oo lagu qabanayo doorashooyinka xiliga uu tilmaamayso muddo  kordhintu  oo komishankuna  ay waajib tahay inay raacaan, Xisbiyaduna waa in caynkaas ay u ogaadaan. haddii guurtida lagu qasbo inay ka noqoto muddo kordhintii ay sameeyeen waa nabar ku dhacay Somaliland waligeedna daba socon doona.”

“Mucaaridka kursi ayaa u muuqda, waa niman wada cusub oo dibada ka yimi, dibada ayay ka soo wada hangalaysteen, illaa iyo Maraykan iyo Ingiriis ayay ka soo yaaceen, waxaana lagu yidhi marka aad tagto gudida fulinta xisbiyadda waad ka mid noqon kartaa, oo madaxweyne ayaad isku sharixi kartaa iyo guddoomiye xisbi, isagoo maanta yimi ayaad bari arkaysaa isagoo murrashax ah marka golaha wakiiladu furmana waxa aan soo jeedin doonaa in wax ka badal lagu sameeyo xeerarka doorashada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere).

Source: DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories