HomeTaliyaha Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Dad U Dhashay Soomaaliya Oo Madaarka...

Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Dad U Dhashay Soomaaliya Oo Madaarka Hargeysa Laga Celiyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Taliyaha ciidamadda laanta socdaalka ee Somaliland ayaa ka hadlay dhalinyaro ka yimid magaaladda Muqdisho oo doraad dib looga celiyay madaarka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Waxaanu sheegay in sababta dadkaasi loo celiyay ahayd in shan ka mid ah dhalinyaradaasi aanay sidan aqoosi cadaynaya ujeedada safarkooda, sidaas darteedna ay dib u celiyeen.

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo manta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala yihiin laba dal oo kala duwan, isla markaana aan Somaliland lagu soo geli Karoo o keliya Baasaboor sharci ah.

“Way jiraan dad aanu ka celinay madaarka Cigaal ee Hargaysa, 45 qof ah ayay ahaayeen oo ka soo degay madaarka, kadib markii aanu baadhnay 40 ka mid ahi waxay siteen Dhukumanti lagu socdaalo ama lagu gudbo, 5 qof oo dadkaas ka mid ahina may haysan aqoonsi ama docmenti lagu safro. sidaa darteed ayaanu uga celinay madaarka kadib markii aanu ka waynay wax dhukumanti sharci ah ah oo ay ugu kala safraan labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya.

Sidoo kale waxa uu taliyuhu fariin u diray hay’adda socdaalka ee Soomaaliya, isagoo u soo jeediyay in ay ogaadaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay laba dal kala yihiin.

“Waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Somaaliya in aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo isku safra si sharci ah. Sidoo kale dadka ka yimaada Itoobiya ama dalalka kale wixii aan fiise sharci ah sidan ama ogolaasho waanu celinaa, waxaanu noola mid yahay dalka Somaaliya dalalka aanu jaarka nahay.” Ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu aaminsanahay haddaanu nahay Somaliland in cidii dalka soo gelaysa, goobaha sharciga ah ee laga soo dego dhukumanti sharci ah lagu soo galo, aqoonsi inuu qofkani yahay Somalilander ama ajaanib cadaynaya jinsiyadiisa, inuu Somaliland yahay, inuu Somaaliya yahay, inuu Itoobiyaan yahay iyo inuu Yemeni yahay.

Waana in qofku sitaa cadayntiisa dadnimo, haddaanu sidan anagu ama aamini karno wakhtigan si aanu u ilaalino amnigayaga qofkan wax cadaynaya, sidaa darteed ma ogolin in Jamhuuriyada Somaliland qof bilaa sharci ahi soo galo. Cumar Jaamac waxa laga qaaday Baasaboorkiisii Somalilanderka ahaa ka dibna waa la xidhay oo waxaanu kaga jawaabnay taasu ma jirto.

Laakiin anagu waxaanu dalkayaga ka celinay dad bilaa astaan ah oo Gaafow (Taliyaha laanta socdaalka) Somaaliya ma cadaynayo in qofkani inuu yahay Somalilander ama Somaaliya, waayo dhukumanti ma haysto sharci ah markaa haddaanu Somaliland nahay wax sharci sita ama dhukumanti xaqiiq ah oo la taaban karo in naloola yimaado, laakiin, siyaasadayaduna waxay tahay waxaan Baasaboor sharci ah aan sidan in aanan soo daynin.” Ayuu yidhi Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf

Taliyaha oo warbaahintu waydiisay in dadka sita Baasboorka Somaaliya ay ka soo degi karaan madaarada dalka, isaga oo su’aashaasi ka jawaabaya waxa uu intaas ku daray in Baasboorka Somaliland loogu safro dalala kala duwan.

Waxaanu ku jawaabay “Safaarada Itoobiyaanu ka qaadnaa fiisayaal oo Baasaboorka sharciga ah ee Somaliland baa lagu safraa, Abu Dhabi ayaa lagu tagaa oo meel kasta oo fiise lagu helaba Baasaboorka dalkani leeyahay ee Somaliland buu ku safraa, umana baahna Baasaboor kale. Baasaboorka Somaaliya waa lagu iman karaa madaarkaanan kaga reebayaa, laakiin waa inuu cadayan sitaa sharci ah oo ka Somaaliya waa lagu soo degi karaa, dalalka ajnabiga ah ayuu noola mid yahay.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories