HomeGuddida Guurtidu U Xil-saartay Kasoo Talo-bixinta Muddo Kordhinta Oo Kulmiye Iyo...

Guddida Guurtidu U Xil-saartay Kasoo Talo-bixinta Muddo Kordhinta Oo Kulmiye Iyo Komishanka La Kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Guddida ay golaha guurtida Somaliland u xil-saareen hawsha muddo kordhinta xukuumadda talada haysa ayaa maanta si gooni-gooni ah kulamo ula yeeshay xisbul-xaakimka Kulmiye iyo Komishanka doorashooyinka qaranka.Guddi

Kulanka ay la qaateen guddida ka socotay guurtidu xisbiga Kulmiye oo al-baabadu u xidhnaayeen ayaa waxa warbaahinta uga warbixiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu sheegay inay xisbi ahaan ku ixtiraamayaan waxay go’aamiso guurtidu. “Guddida guurtidu sidii ay xisbiyada kale ula kulantay ayaanu anaguna saaka la kulanay, arrinta doorashada waxa waajibkeeda iyo nidaamkeeda xadeeya distoorka qaranka, waxaanu u xil-saaray hay’addaha distooriga ah ee qaranku uu leeyahay oo uu ugu horeeyo golaha guurtidu, Komishanka doorashooyinka. Anagu markaa waxa aanu guurtida u bandhignay in xisbiga Kulmiye aaminsan yahay in hay’addaha distooriga ah mid weliba xilkeeda gudato, anagu inaanu waqti qabano distooriyan xaq uma lihin, laakiin waxaanu ku talinay iyagoo ka duulaaya arrimaha doorashooyinka ee socda inay waqti macquul ah oo doorashadu ay ku qabsoomi karto ay u qabtaan.” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa warbaahinta isna uga warramay kulankaas ay la qaateen guddida guurtida, waxaanu sheegay guddoomiyuhu inay si fiican isu fahmeen guddidaas, waxaanu yidhi. “Waxa lana waydiinayay uun oo aanu guddida ka wada tashanaynay oo aanu xog-waran ku kala qaadanaynay hawlaha jira ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka, si wanaagsan ayaananu isula fahanay.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories