Home360 Arday horleh oo maanta Tabobar uga Furmay Dugsiga Laylinta Ciidamada Booliska...

360 Arday horleh oo maanta Tabobar uga Furmay Dugsiga Laylinta Ciidamada Booliska ee Mandheera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 26 March, 2012 (SLpost)- Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa Maanta tababar u furay Sadex boqol iyo Lixdan arday oo arday dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Mandheera .

Ardaydan oo sannadkan ka baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka oo dhowaan loo qaatay inay ka mid noqdaan ciidamada Booliska, waxa munaasibadda furitaanka tabobarka ka qayb-galay masuuliyiin ka tiran xukuumadda iyo Saraakiil ciidamada Booliska ah.

Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkan ayaa xusay doorka ciidanka booliska ka saaran hawl galada amaanka lagu xoojinayo iyo waxyaabaha ay ka  filayaan inay ciidanka ku soo kordhiyaan Sadexdan boqol iyo Lixdankan ka mid ahaa ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha wadanka waxaanu sheegay in looga baahan yahay inay dhamaystaan tababarka isla markaana u hogaansamaan awaamiirta iyo anshaxa ciidan-nimo waxa uu wasiir ku xigeenka dhinaca maamulka ee wasaarada arrimaha guduhu cadeeyay inay ku rajo weyn yihiin sidii ay ciidankan cusubi marka ay hawl galaan u buuxin lahaayeen meelaha galdalooladu ka jirto ee u baahan in si xigmadi ku jirto loo gufeeyo.

Mudane Cismaan Garaad Soofe waxa uu kula dardaarmay ardaydan tababarka ciidan-nimo u bilaabmay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada la siinayo mudada ay dugsiga Mandheera ku jiraan.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ahna madaxa hawl gelinta Ciidanka booliska C.laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dufcadan laga soo xulay Gobolada iyo degmooyinka dalka kuna sifeeyay dhalinyaro mutacalimiin ah oo go’aansaday inay aqoontooda uga faa’iideeyaan wadankooda.

Ku simaha taliyaha Ciidanka boolisku waxa uu hoosta ka xariiqay in xilka saaran askariga booliska ah ay tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta ay dirayska u qaateen waxaanu intaas ku daray in tababarkani uu socon doono mudo afar bilood ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories