Home35-jir loo doortay Madaxweynaha Dalka Chile

35-jir loo doortay Madaxweynaha Dalka Chile

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Santiago (SLpost)- Waddanka Chile ee qaaradda Latin America, waxa shalay looga dareeray doorasho ay dadweynaha dalkaasi ku doorteen madaxweyne cusub oo shanta sanno ee soo socota hoggaamin doona dalkaas.

Natiijada hordhaca ah ee codbixintii shalay, ayaa lagu shaaciyey inuu doorashada ku guulaystay Gabriel Boric oo ah 35-jir ku cusub siyaasadda dalkaas, waxaanu ka sharraxnaa xisbiga dhinaca Bidixda oo ka guulaystay murashaxii u tartamayay xisbiga Midigta fog José Antonio Kast.

blankGabriel Boric oo noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa dalka Chile, ayaa hoggaaminayey kacdoon ardayda dalkaasi kaga soo horjeedeen xukuumadda talada haysa

Natiijada codadka la dhiibtay oo 99% la tiriyey, waxa uu Boric helay boqolkiiba 56, halka murashaxii la tartamayey uu ka helay boqolkiiba 44.

Siyaasigan da’da yar ayaa hoggaamin doona waddan ay sannadihii u dambeeyay gilgileen mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo caddaalad-darro iyo musuqmaasuq baahsan.

Taageerayaasha xisbiga madaxweynaha cusub ayaa maanta isugu soo baxay badhtamaha caasimadda Santiago, iyaga oo lulaya calamo isuguna bogaadinaya guusha uu gaadhay siyaasigii ay taageereen.

blankMr Boric oo kumanaan taageerayaashii ah la hadlayey kaddib shaacinta guusha uu ka gaadhay doorashada, ayaa yidhi, “Waxaan ina hortaagan caqabad aad u weyn. Waxaan ogahay in sannadaha soo socda uu mustaqbalka dalkeennu halis ku jiro hadduu sidan ku sii socdo, markaa waxaan dammaanad qaadayaa inaan noqon doono madaxweyne u hoggaansama dimoqraadiyadda, rabitaankiinana tixgelinaya, in badan wax dhegaysta oo midnimada dadka ka shaqeeya.”

blankWaddanka Chile oo ku yaalla Xeebta Koonfur-Galbeed ee Latin America, ayaa ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu xasiloon yahay, balse waxa muddooyinkii u dambeeyey hadheedhay bannaan-baxyo ay shacabku ku dalbanayaan caddaalad iyo sinnaan dhinaca fursadaha ganacsiga iyo shaqo-abuurka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories