Home30 Sano Kadib Muqdisho Oo Lagu Qabtay Shirka IGAD Iyo War Murtiyeedka...

30 Sano Kadib Muqdisho Oo Lagu Qabtay Shirka IGAD Iyo War Murtiyeedka Ka Soo Baxay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Muqdisho (SL.Post) Madaxda Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay Shir Saacad socday, isla markaana gebogabadiisii waxa ka soo baxay war murtiyeed.

 

shir_madaxeedkii_igad-3

 

War Murtiyeedka ka soo baxay shirkaa waxa lagu sheegay in lagu taageeray Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya iyo in looga dambeeyo arrimeheeda gaarka dowladda Federaalka ah. Waxa kale oo ka mid ah qodobada shirkaa ka soo baxay, in Midawga Afrika (AMISOM) door muhiim ah ka qaadato nabadgelyada doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya, Xal-u-helidda Qalalaasaha Suudaanta Koonfureed ka taagan iyo adkaynta xidhiidhka siyaasadeed ee Dalalka Xubnaha ka ah IGAD iyo qodobbo kale oo badan.

 

Kulankaa waxa ka qayb galay Hoggaamiyayaasha dalalka Dalalka Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Soomaaliya iyo weliba Masuuliyiin ka socda dalalka Sudan, Jabuuti iyo Sudanta Koonfureed.  Urur-goboleedka IGAD, waxaa xubno ka ah Waddamada Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Soomaaliya iyo Suudaan-ta Koonfureed. Waxaana ka baaqday Shirkaas oo aan ka soo qaybgelin Madaxweyneyaasha Jabuuti, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, kuwaasoo sababo kala duwan awgood uga baaqday Shirkaas oo ay ku casuunnaayeen.

 

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho lagu qabto muddo 30 sano ku dhow tan iyo markii ay burburtay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya 1991-kii. Waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu qabto Shir-madaxeed IGAD tan iyo markii la aasaasay Urur-goboleedka IGAD 1984-kii. Sabtidii aan soo dhaafnay, ayaa la filayey inuu furmo kulankani, balse dib u dhac ayaa ku yimi, mana caddeyn sababta dib loogu dhigay, hase-yeeshee Salaasadii shalay ayuu si rasmi ah uga furmay Muqdisho, waxaana furay Madaxweynaha dalka Martida loo ahaa ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

 

 

Geesta kale, waxaa Kulan gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, ayaa Shir Jaraa’id oo ay kulankooda ka dib wada qabteen waxay sheegeen inay isku raaceen in dib loo furo Ganacsiga Jaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya loo iib keeno oo toddobaadkii hore dowladda Federaalku shaacisay inay hakisay, sidoo kalena Kenya ay muddo saddex bilood ah uga baaraan-dagto sidii loo joojin lahaa baadhitaanka dadka Muqdisho ka dhoofa lagu sameeyo markay marayaan degmada Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya.

 

 

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories