Home30 sanno iyo Baadi-goobkii Aqoonsiga Somaliland

30 sanno iyo Baadi-goobkii Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

blank(Haddii aynu bedelo magaca Somaliland oo aynu la baxno magac cusub oo aan Somali ku jirin malaha aqoonsigu wuu soo dhowaan lahaa)

Qaybtii 3aad

Qaybtii 2aad waxaan kugu soo sheegay inta Hayadood ee Somaliland u qaabilsan ka midho dhalinta aqoonsiga, waxaana ka mid ah Hayadahaas ,Wasarada arimaha dibadda-In ka bdan 37 Wakiil iyo Wakiil sharafeed-Guddiyada arimaha dibadda ee Golayaasha-Xafiisyada Arimaha dibadda,Xisbiyadii Qaranka iyo welba qaar loogu yeedho Ergayga gaar ah,intaas oo dhan oo jirta ,haddana wax aqoonsi ah lama hayo,waayo?

Si haddaba aynu jawaab ugu helo ,suaasha aqoonsiga Somaliland,waxaan qaybahan idiinku soo gudbinayaa,arimaha aan isleeyahay waxay caqabad ku yihiin aqoonsiga Somaliland,waxaanan odhan karaa,waa caqabadihii si toos ah iyo si dadbanba iiga horyimid mudadii aan ahaa howl wadeenka Wasarada arimaha dibadda Somaliland.

Magaca Somaliland:-

Erayagga Somaliland wuxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah Somali iyo Land,kuwaas oo macnahoodu yahay Somali oo ah Qawmiyada ku hadasha Afka Soomaaliga iyo Land oo eray English ah macnihiisu yahay dhulka.

Marka laysku daro erayada Somali iyo Land,wuxuu noqonayaa Somaliland oo la macno ah (Dhulkii Soomaalida).

Erayga Somaliland waxaa bixiyey Gumaystayaashii reer Yurub Qarnigii 18aad,xilligii ay qaybsadeen Qaarada Afrika,waxaana Gumaystuhu u yiqiin Somaliland guud ahaanba dhulka ay ku nooshaha Qawmiyada Soomaalidu kuna fidsan inta u dhaxaysa Dhul badhaha Gobolka Bariga Afrika ilaa Gacanka Badda Cadmeed.Dhulka xilligaa loo yaqaanay Somaliland waa Dhulka ay maanta ka jiraan Dowladaha, Qayb ka mid ah Kenya—Ethiopia—Somalia -Djibouti iyo weliba Somaliland.

Gumaystayaashii kala qaybsaday Dhulka ay degan tahay Qawmiyada Soomaalida ayaa waxay u bixiyeen amase ugu yeedhi jireen :-

  • British Somaliland (waa Somaliland)
  • Italian Somaliland.(waa Somalia)
  • French Somaliland (waa Jabuuti)
  • Ethiopian Somaliland (waa Kililka 5aad)
  • Kenyan Somaliland (waa N.F.D-Deeganka Somalida ee Kenya)

Immisa jeer baa la aqoonsaday magaca Somaliland?

Xilligii Gumaysiga waxaa loo aqoonsaday magaca Somaliland Gobolada kala duwan ee ay degaan dadka ku abtirsada Qawmiyada Soomaalida.
26 Juun 1960 waxaa la aqoonsaday in Dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray ee loo yaqaanay British Somaliland,ay ka xoroobaan Gumaystihii Ingiriiska.
1 July 1960 waxaa la aqoonsaday in ay isku biireen British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay la baxeen magac cusub ah Jamhuriyada Somalia.

Magaca Somaliland iska beddela :-

Xilligii aan ahaa Danjiraha Somaliland u fadhiya dalweynaha China,waxay Dibloomaasiyiin badan oo kala tirsan wadamada Qaarada Afrika — Qarada Yurub. Iyo dalka Shiinaha(China) intuba igula taliyeen in aynu iska bedelo magaca Somaliland ,oo aynu la baxno magac aanay ku jirin Somalia,sababtoo ah:-

Hore ayaa magaca Somaliland loo aqoonsaday marar badan,markaa way adagtahay in mar kale la aqoonsado.
Marka la maqlo magaca Somaliland,waxaa la moodayaa in loo jeedo Somalia,oo ah meel ay ka jiraan Budh cad-Badeed iyo kooxo argagixiso ah.

Magacee ku haboon in loo bixiyo Somaliland

Marar aan waydiiyey qaar ka mid ah Shacabka reer Somaliland,haddii hayaan magcyo ku ha boon in lagu bedelo magaca Somaliland,magacyadii ay soo jeediyeen intooda badani waxaa ka mid ah:-

  • North Somalia (wadamo badan ayaa leh magacaas mid la mid ah.
  • Jamhuriyada Geeska Africa (wuxuu ka tarjumayaa halka aynu Qaarada kaga nalo).
  • Jamhuuriyada Golis (oo ay ula jeedaan Sisilada Buuraha Golis)

Hadal iyo dhamaan ,waxaan fikir ahaan qabaa in magaca Somaliland uu ka mid yahay caqabadaha hortaagan aqoonsiga, Diblomaasiyiin faro badanina waxay igula taliyeen in magaca Somaliland la bedelo,oo loo bedelo magac aanu ku jirin erayga Somali,sida Jabuuti u bedeshay magacii French Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

fb. Abdi Saleiman.

Twitter: @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories