Home29 Qof Oo ku Dhintay Werarro ka Dhacay gobollada Texas iyo Ohio...

29 Qof Oo ku Dhintay Werarro ka Dhacay gobollada Texas iyo Ohio Ee Mareykanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ohio (SLpost)- Ugu yaraan 29 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labo weerar oo kala duwan oo xalay ka kala dhacay gobollada Texas iyo Ohio ee dalkaan Mareykanka.

 

Weerarka hore ayaa ka dhacay magaalada El Paso ee gobolka Texsas, kaddib marki wiil caddaan ah oo hubeysan uu rasaas ku furay dad ka adeeganayay dukaanka Walmart oo ka mid ah dukaanada ugu waaweyn Mareykanka.

 

Taliyaha booliska ee magaalada El Paso, Greg Allen ayaa sheegay in weerarkan ay u xireen wiil caddaan ah oo 21 jir ah. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in qofka weerarka looga shakisanyahay uu yahay Patrick Crusius.

 

Booliska ayaa helay qoraal uu ninkani ku daabacay baraha bulshada ka hor inta uusan weerarka geysan, kaasoo uu ku sheegay inuu bartilmaameedsan doono dadka hisbaaniga ah ee kasoo jeeda Koofurta America.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Danbi-baarista ee FBI waxay maanta sheegeen in ay billaabeen baaritaan ku aadan, sababaha ku kallifay inuu ninkani weerarka qaado.

 

Dhanka kalana, saaco kaddib marki uu dhacay weerarki EL Paso ee gobolka Texas, qof hubeysan ayaa toogasho ka geystay magaalada Dayton ee gobolka Ohio, halkaas oo uu ku dilay 10 qof, halka isbitaalka la dhigay 26 dhaawac ah.

 

Booliska ayaa sheegay in ay dileen qofka weerarka qaaday, daqiiqo yar kaddib marki uu billaabay toogashada.
Weerarkan ayaa noqday kii 250-aad ee ka dhaca Mareykanka sanadkaan, sida ay sheegtay Hey’adda Diiwaangelisa Rabshadaha ka dhasha hubka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories