Home28 Qof oo ku dhintay laba doonyood oo ku Qaraqmay Xeebaha Jabuuti...

28 Qof oo ku dhintay laba doonyood oo ku Qaraqmay Xeebaha Jabuuti iyo in ka badna 100 la la’yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Ugu yaraan 28 Ruux, ayaa ku dhintay laba Doonyood oo ku qarraqmay xeebaha dalka, halka tiro ka badan 100 qof oo kalena la la’yahay, sida ay sheegtay laanta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Socdaalka Muhaajiriinta, halka kuwo kalena la badbaadiyey.

 

Wiil 18-jir ah oo laga soo badbaadiyey, ayaa sheegay in ay saarnaayeen doonta 130 qof oo 16 ka mid ahi haween ahaayeen, waxaana sababta shilka lagu sheegay kaddib markii ay mowjado waaweyn ku dhufteen doonta saacad iyo badh kaddib markii ay ka baxday xeebaha dalka Jabuuti maalintii Salaasada ee shalay, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

sawirada

Ma jirto faahfaahin kale oo laga helay doonta labaad, haseyeeshee waxa isla markiiba la bilaabay hawl-gallo samato-bixin ah oo lagu baadi-doonayo dadkii saarnaa.

 

Wararka ka imanaya Jabuuti, waxay sheegayaan in la helay meydadka illaa 35 ka tirsan dadkii ku dhintay doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti. Hay’adda socdaalka IOM, ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.

 

Doonta degtay, ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen. Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 ruux oo tahriibayaal ah.

 

Dalka Jabuuti, ayaa bilihii lasoo dhaafay noqday marin ay kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan Gacanka Cadmeed, iyagoo ka tallaabaya marin-biyoodka Bab al-Mandab, kuwaas oo gaadha dalka Yemen ee dagaalladu ka socdeen dhawrkii sano ee la soo dhaafay, waxaanay uga sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Suudaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories