Home'26-ka June Dhibaato Dhici Mayso!'

’26-ka June Dhibaato Dhici Mayso!’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

qaq1991-kii markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeedii hore uga luntay ayaa waxa bilowday dib u dhiskii qaranka oo ku salaysnaa nidaamkan haatan ka jira dalka kaasoo tilmaamaaya in dawladu ka kooban tahay sadex dhadhaar oo isku tiirsan isna taakulaynaaya isna toosinaaya wixii qaladana iska qabanaaya.

Saddex qaybood oo kala ah Golaha baarlamaanka oo ka kooban aqal-ka sare iyo ka hoose-,  Golaha Fulinta iyo Garsoorka, kuwaas uu u taagan mad madow la’aan iyo dhamaystirka nidaam ku dhisan cadaalad iyo daryeel loo siman yahay oo shacabku ka helo hadba maamulka dawlada gacanta ku haysa.

Golaha fulinta oo ka kooban madaxweyne iyo ku xigeen iyo golaha wasiirada ayaa ku yimaada kursiga doorasho lagu doorto madaxwerne iyo ku xigeen oo iyaguna soo magacaaba golahooda wasiirada u fududayn doona gudashada waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Golaha baarlamaanka qaran oo iyaguna sidoo kale ku yimaada doorasho ay shacab waynaha Somaliland ku doortaan doonistooda cidkasta oo ay u arkaan inay ka fal celin karto baahiyahooda gaarka ah iyo kuwa guud, golahan oo ka kooban labo aqal oo kala sareeya ayaa tiro ahaan marka laysu geeyo isku noqonayaan tiro dhan 164 xildhibaan oo midkiiba noqonaayo 82 xildhibaan.

Sidoo kale waxa iyaguna qaab soo xulid iyo magacaabid uu ku sameeyaa madaxweynuhu garsoorka qaran iyadoo ay ansaxindoonan markaa kadib golaha baarlamaanka oo awood u leh inay aqbalaan iyo inay diidaan labadaba.

Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa isna sidoo kale jira oo ay waajibaadkiisu tahay inuu qabto dhamaan doorashooyinka qaran oo mudo xileedkiisu tahay 5-sanno lana mid ah muda xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Komishankan oo aalaaba laga sugo lagana fisho inuu soo bandhigo qaabka iyo qorshaha lagu galo doorashooyinka kala duwan ee deegaanka, baarlamaan, madaxtooyada, kuwaas oo mudooyinkii u danbaysay lagu gali jiray qaab diiwaan galin la’aan ah.

Hadaba khilaafaadkii ka taagnaa gudaha galoha wakiilada ayaa keenay inuu dib u dhac ku yimaado ansaxinta xunihii komishanka doorashooyinka ee lasoo xulay, taasoo keentay in wakhtigii uu ku eekaa mudo xileedkii madaxtooyadu soo dhawaaday isla jeekaasna ay taagnayd waqrigii la badali laha golaha baarlamaanka oo soo mudo dhaafay in ka badan intii hore loo doortay shan sano.

Hadii sababahaas aynu sare kusoo xusnay dartood uu awoodi waayay komishanka doorashooyinka qaranku inuu ku qabto doorashada waqtigeedii ay ku mudaysnayd uuna codsaday komishanku in mudo inta ka badan lasiiyo taasi meel looga talaabsado ma jirto wixii laga yeelaayo codsiga komishankana golaha guurtida ayuu sharcigu siinayaa, hadii ay goaamiyaan in madaxweynaha loo kordhiyo iyagaa xaq u leh bulshadana u matala go’aanada noocan ah waana shaqadii loo igmaday ee ay golaha u fadhiyeen.

Madaxweynuhu cod ayuu kursiga ku yimi walina mudo xileedkiisii oon dhamaan ayaa lagasii qaylinayaa go’aanka ay qaadan doonan golaha guurtidu lakain golaha wakiilada oo kursiga ku fadhiya mudo ka badan intii la doortay, shan sano oo kale ayay kurisiga ku fadhiyeen mudo kordhin imikana waxay ka qaylinayan in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha taasi maaha mid ay xaq u leeyiniin inay ka hadlaan hadaanay iyagu ahay maroodiga aan takarta isaga saran aan arag ee takarta ka kale saran arka.

Qore: Ahmednasir Ibraahin

axmed.nasiir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories