Home“Madaxwaynaha Hadda Jooga Kordhintiisii-baa Diyaar Ah” Boqor Cismaan Buur-Madow

“Madaxwaynaha Hadda Jooga Kordhintiisii-baa Diyaar Ah” Boqor Cismaan Buur-Madow

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPOST) – Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Boqor Buur-Madow), oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa xisbiga WADDANI kula taliyey inay samraan haddii Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo wakhti xileedkeeda loo kordhiyo.

boqor buur madow

Boqor Cismaan Buur-Madow, ayaa sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo isaga oo la fadhiya sheegto inuu ka mid yahay xisbiga WADDANI, kaasi oo uu tilmaamay inuu ku raacay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu xusay inuu inta badan faraxsan yahay, isaga oo dhanka kalena Guddoomiye Cirro u tilmaamay inuu urursaday xildhibaanada dagaal u jooga ah ee Golaha Wakiilada, taasina aanay ahayn mid meel gaadhsiin karta, balse looga baahan inuu hawlaha ku wado farxaddii iyo weji furfurnaantiisii hore.

Boqor Buur-Madow oo shalay ka hadlayey Casuumad xisbiga WADDANI u sameeyay Suldaan Madar Maxamed Ducaale oo ka mid ah Salaadiintii Somaliland, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Salaadiintii Somaliland, halkan (Munaasibadda) Miisaan culus-baa ka jooga, laakiin ninka qudha ee odhan kara WADDANI-baan ahay ee aan Masaariif kaga go’ayn waa anniga horta, Madaxtooyadana annigaa u galgalid badanoo, markaan Madaxwaynaha la fadhiyo waxaan idhaahdaa annigu WADDANI-baan ahay”

Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow), oo sabab u yeelaya waxa uu ku doortay xisbiga WADDANI, ayaa yidhi “Maxaan WADDANI ku doortay, ninkaa Guddoomiyaha ah ee qunyar socodka ah ee faraxsan badanaa, ee intaas oo rag ah oo kululaa oo cawaandi ahaa qunyar kubadda baaska kula dhaafay, kaasaa malaha meel idin gaadhsiinaya ayaan idhaahdaa”

Boqor Buur-Madow, waxa uu maleeyay in loo kordhinayo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, haddii ay taasi timaadna WADDANI looga baahan yahay inay samraan “Waxaan leeyahay, Guddoomiye haddii ay doorasho (Vote) timaado waan hubaa in WADDANI helayo, laakiin laba arrimood midba, horta xildhibaanada inta dagaalantaa waa xisbigeena, dagaalna meel ku gaadhi maynee, arrinkaa xildhibaanada aad uga waani, waxaan leeyahay wejigii furfuraa iyo farxaddii ayaynu ku wadaynaa oo weji ururin iyo cadho ku gaadhi mayno” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray  “Somaliland xeerbay leedahay, Madaxwaynaha hadda jooga kordhintiisii-baa diyaar ah ayaan is leeyahay, intaa yar waynu samri karaynaa oo waynu u da’yar nahay”

Boqorku oo deba socda hadal uu Munaasibaddaasi ka sheegay xoghayaha guud ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, kaasi oo uu ku canaantay Wasiirada xukuumadda ee beesha Boqor Buur-madow, ayaa yidhi “Saaxiibkay Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde wuxuu yidhi inamada yar-yar ee Madaxtooyada ku jira hala qabto (wasiirada), waxaan leeyahay inamada waa gar inaanu qabanaa, laakiin haddii odayaashu la dagaalamaan yaan lana odhanin inamada hala qabto

 Xigasho-Dhamays.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories