Home21 October: Maalintii Soomaaliya Laga Dhagax-dhigay Kacaankii Keli-talisnimada iyo Kawaankii Gawraca Dadka

21 October: Maalintii Soomaaliya Laga Dhagax-dhigay Kacaankii Keli-talisnimada iyo Kawaankii Gawraca Dadka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

21 October waa 50 sanno-guuro ama nus-qarni ah oo waa maalintii bilawga kacaankii kadeedka, keli-talisnimada, kibirka, kufsiga, keenaynta bulshada, kawaankii gawraca dadka, kool-koolintii kaadariinta sharka, kootooyinkii kiishad-buuxsiga, qaraabo-kiilka, kurbadii ummadda, kornayladii dhiigga lagu anqariyey ee sida kanneecada u jaqay hantidii qaranku wada lahaa. Waxa uu kacaankaasi ka talinayey Soomaaliya muddo 21 sanno ah laga soo bilaabo 21 October 1969 ilaa 1990, waxaanna imminka maalintaas madoobayd laga jooga nus qarni ama 50 sanno oo buuxa. Waxay ahayd maalin xaflad dhagax-dhig ah loo sameeyey burburinta dalkii la isku odhan jira Soomaaliya, waxayna ku beegnayd maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 21 October 2019. Alla kululaydaa maalintaasi.

Kacaankii maalintaas dhashay iyo Taliskii Siyaad Barre ee hoggaanka u qabtay marka sida xaqiiqda ah loo hadlo wax badan ayey u qabteen Soomaaliya tobankii sanno ee u horeeyey xukunkooda kadeedka ahaa, waxayna Soomaaliya gaadhay inay millatari ahaan dhisanto, warshado badan oo la hirgeliyey, wax-soo-saarka oo la kordhiyey, ilaa la sheegay in dhinacyo badan ay muddadaas kooban Soomaaliya gaadhay isku-filnaansho ay kaga maaran tahay waxyaabo badan oo dibadaha looga soo dhoofin jiray.

blank

Hasayeeshee, guulaha wax-ku-oolka ah uu gaadhay Kacaankii kaneecada ahaa ee dhashay 21 October, waxa dib u cunay isla kacaankii oo aan biyo is-marin, wixii uu dhisayna dib ayuu u wada burburiyey, weliba burburkaas waxa wehelinayey dhiig badan uu qubtay.

Quwaddii millatariga ee Soomaaliya lahayd waxa loo adeegsaday xasuuqii shacabka reer Somaliland oo markaas ka mid ahaa Soomaaliya, iyadoo diyaaradaha ka duulayey madaarka Hargeysa ay haddana gantaalaha  dib ugu garaacayeen Caasimadda Hargeysa. Waxa madaafiic lagu burburiyey magaalooyin badan oo Somaliland, dad badan oo maati ahna waa lagu xasuuqay oo ilaa maanta ayaa kolba meel laga helayaa xabaalo-wadareedyo lagu aasay dadkii uu xasuuqay Kacaankii dhiigyo-cabka ahaa.

Kadeedkii kacaanku waxa uu sabab u noqday in dadka reer Somaliland dib isugu tashadaan, kana shaqeeyaan sidii ay iskaga xorayn lahaayeen Taliskii Siyaad Barre, waxaanna la aasaasay Jabhaddii SNM oo dagaal sannado badan socday kadib Ilaahay ku guuleeyey inay Millatarigii Kacaanka ka xoreeyaan dhulka Somaliland sannadkii 1991-kii, waxayna guushaas kadib Somaliland go’aansatay inay dib ula soo noqoto madaxbannaanida iyo dowladnimadii ay Soomaaliya kula midawday sannadkii 1960-kii, maantana Somaliland waa 28 sanno jir horumar ka gaadhay dhinacyo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yahay nabadgelyada, xasiloonida iyo dowladnimada buuxda ee ka jirta Somaliland, halka Soomaaliya-na uu weli ka taagan yahay kadeedkii uu kaga tegay kacaankii dhashay maalintii madoobayd ee 21 October 1969.

Waxa qoray; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories