HomeMadaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeeenkiisa oo kulan ballaadhan la qaatay Wefti uu hoggaaminayo...

Madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeeenkiisa oo kulan ballaadhan la qaatay Wefti uu hoggaaminayo Garaadka Beesha FIQI-FULIYE

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxwayne ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si wada jir xarunta madaxtooyada ugu qaabilay wefti uu hogaaminayay garaadka beesha deegaanka Fiqi-Fuliye Garaad C/laahi Maxamed Guuleed , kuwaasi oo Isniintii todobaadkan soo gaadhay caasimada Hargaysa.

Weftigan uu hogaaminayay garaadka beesha deegaanka Fiqi-Fuliye Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo ay weheliyaan xubno isugu jiray salaadiin, cuqaal, jiif Caaqilo, madax dhaqameed, aqoon yahano iyo waxgarad kale oo ka tirsan bulshada deegaankaasi, ayaa jeeddada socdaalka Hargaysa ku yimaadeen uu ahaa sidii loo sii anba qaadi lahaa heshiiskii hordhaca ahaa ee ay dhawaan xubno ka tirsan xukuumada iyo madax dhaqameedka deegaankaasi ku dhex maraya degmada Fiqifuliye.
Kulankaasi maanta xarunta madaxtooyada ku dhexmaray madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa iyo hogaanka dhaqanka ee beelaha deegaamada gobolada barri ayaa markii uu soo dhamaaday ka dib waxaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu sheegay Md. Dhuxul in madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu uga mahad naqay xubnahaasi madax dhaqameedka ahaa kulankaasi uu la yeeshay.

Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in madaxwaynuhu u soo jeediyay salaadiinta iyo cuqaasha uu kulanka la qaatay in dhamaanba waxyaabha dib-u-dhaca ah ee dhinaca horumarka ee ka jira deegaanadaasi ay xukuuumadiisu ka shaqayn doonto sidii loo hirgelin lahaa isla markaana ay diyaar u tahay fulinta arrimahaasi.

IMG_0927Sidoo kale af-hayeenka madaxtooyadu waxa uu sheegay in dhawaan ay xukuumadu soo qaramaysay ciidamo maleeshiyo beeleeed ahaa oo gaadhayay ilaa 600 boqol oo askari, taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay talaabooyinka ay xukuumadu ku doonayso in isku duubni iyo walaaltinimo ay ummada Somaliland wax ku wada qabsato. waxaanu intaasi raaciyay md. Dhuxul in muddada ay weftigani joogaan magaalada Hargaysa ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada, goleyaasha qaranka iyo axsaabta siyaasada.

Af-hayeenka madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay in madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo isna kulankaasi ka hadlay uu si qiimo leh u soo dhaweeyay weftigan isugu jira salaadiinta, cuqaasha iyo aqoon yahamiinta ah ee ka tirsan beelaha deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag socdaalka ay ku yimaadeen Hargaysa. Taasi oo uu madaxwayne ku xigeenku in ay tahay talaabo wanaagsan oo laga gaadhay dhinaca horumarka.

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo ahaa garaadka hogaaminayay weftigan oo isna halkaasi warbaahinta kula hadlaya ayaa ka waramay kulankaasi ay madaxwaynaha iyo ku xigeenka la yeesheen iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.

“Waxaanu halkan xarunta madaxtooyada saaka kulan kula yeelanay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka, kulankaasi oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan dawlada iyo weftigayagii ka yimid gobolada barri sida Sanaag iyo Sool qaybo ka mid ah, imaatinkayagu wuxuu ka danbeeyay heshiiskii dhawaan ka dhacay degmada Fiqifuliye, halkaasi oo aanu qaybo dawlada ka mid ahna isku aragnay, iyada oo halkaasi la noogu fidiyay casuumaad in aanu ku nimaadno caasimada Hargaysa, si aanu u dhamays tirno heshiiskaasi ay qaybtiisii hore halkaasi ka dhacay. Kulankayagani wuxuu ku saabsanaa soo dhawayntii lana soo dhawaynayay, kaasi oo ka soo bilaabmay Caynaba,Burco, Sheekh, Berbera iyo ilaa Hargaysa oo aanu shalay (doraad) galabtii soo galnay, waxaanu soo dhawayntaasi ku soo gunaanadnay kulankan aanu xarunta madaxtooyada Somaliland ku yeelanay, oo uu ka soo qayb galay madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Maddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxwayne ku xigeenka Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), aad iyo aadna runtii waanu uga mahad naqaynaa dawlada iyo shacabkaba sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen. wixii kale ee talaabooyin ah ee dhiman iyagna marxaladahooda ayay mari doonaan waananay dhamaanayaan, laakiin imika intaasi ayuunbay ku eg-tahay,” ayuu yidhi Garaad CAbdilaahi

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed waxa kale oo sheegay in casuumada loo fidiyay iyo imaatinkooda Hargaysa ay u arkaan talaabo wanaagsan oo dadka isku soo dhawaynaysa, waxaanu tilmaamay in ay xukuumada Somalialdn heshiiska la galeen ka dib markii ay ogaadeen baahida ay bulshadu isku qabto iyo sidoo kale dhibaatada ay leedahay kala maqnaatu. “Arrintaasina waxaanu u aragnaa mid dadka isku soo dhawaynaysa, waxaanu aaragnay baahida la isku qabo ee ay dadku isku qabaan, iyo kala maqnaanshahahoodii dhibaatada uu lahaa iyo sida la isugu soo dhawaynayo oo aanu aad iyo aad uga helnay” ayuu yidhi garaadku.

Dhinaca kale Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshada ku dhaqan gobolada barri in waxyaabaha ka maqan ee ay meelaha kale ka raadinayaan iyo arrimaha u danta ahiba ay Somaliland yaalaan isla markaana aanay meelo kale ka raadin.

“Waxaanu ugu baaqaynaa dadka kale ee naga danbeeya ee beelahayaga ka midka ah iyo kuwa gobolada barrigaba halkan (Somaliland) ayay wax inoo yaalaan ee haddii uu qofku meel aanay waxba u oolin wax ka doon-doono runtii dhibaato weeyi, waxna ka heli maayo ilayn waxba uma yaalaane, markaa waxa fiican haddii uu qofku wax doonayo in uu meesha ay wax u yaalaan ka doon-doono, markaa waxaanu ugu baaqaynaa anagaba waad na aragtaan ee naga dabakaalaya ceebna ma aha,” ayuu yidhi Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories