Home2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha ee ay Saareen Dadka...

2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha ee ay Saareen Dadka Ku Loolamaya Kursigii Siilaanyo loo Doortay – C/risaaq Suudi (Qormadii 1aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

suudiWax qarsoon may ahayn markii mudaharadyo rashado watay oo sababay in ay dad ku dhaawacmaan hanti badanina ay ku burburto ay ka dhacday hargeysa 26,27 ,28–kii Decenber /2013-kii  kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen booyadaha biyaha u dhaamiya hargeysa oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa afar boqol ilaa shan boqol oo booyadood, waxayna booyadahani waraabin jireen in ku dhaw 80% lacagta lagu kordhiyey booyadahan ee sababtay shaqo joojinta waxaa lagu macneyn karaa maahmaahdii soomaliyeed ee ahayd waayeel tag lama yidhaahdo ee wuxuu ku tagaabaa la tusaa,arinta kale ee tan kasii daranina waxay ahayd wasiirka arimaha gudaha oo qaabilsan amaanka dalka in lagu qabsaday talaabadii uu qaaday ee ahayd in ay booyaduhu shaqadooda bilaabaan wixii ay tabanayaana loo saaro gudi.

Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda kor waayeel waa wada indho.shakina kuama jiro in ay arintani tahay cunaqabateyn xaga biyaha ah oo la saaray reer hargeysa , markaa kadibna waxaan xasuustay taariikhdan soo socota.

Sanadkii 2002-dii ayey dawlada israa’iil ee uu markaa hogaamin jiray Eryal Sharon ay go’aan ku gaadhay in ay gurigiisa ku go’doomiso hogaamiyihii reer falastiin ee geeriyooday Yaasin Carafaad ,iyadoo weliba duqeyntii ciidamada israa’iil u geysteen guriisana ay ku dumiyeen qayb ka mid ah gurigii uu deganaa yaasiin carafaad.

Hadaba saaxiibayaal hadii aad aragtaan dal uu hogaamiyihiisu noqdo magac u yaal waxaa markiiba dhacda in ay soo baxaan dad badan oo rag iyo dumarba leh oo ku loolamaya awooda dawladnimo qof walibana  uu ku dadaalayo in talada kama danbeysta ee dalka lagu maamulayaa ay tiisa noqoto sidoo kalena dadkan uu tartarna uu ka dhaxeeya qof weliba uu dhiniciisa ka bilaabo dhaqaale urursi ,qabyaalad iyo qaraabo kiil oo boobka dhulka danta guud iyo dhismayaasha dawlada ay faraha ka baxaan waana marxalada ay maanta taagan tahay somaliland.

Sidoo kalena hadii ay awooda hogaamihuyu ay wiiqanto waxa la arkaa cashuur kordhinta oo aan lagu sar goynin jeebka dadka iyo waxa ay qaadi karaan , waxaana dhacda sixir barar aan xad lahayn , waxaana wax lala yaabo ah umad aan biyo haysanin oo hadana laga ururinayo lacago la leeyahay waxbaa lagu dhisayaa ,waxaana suurto gal ah in bilaha soo socda ay dadka danyarta ahi ay iibsan kari wayan cuntooyinka daruuriga ah wixii kale oo dhan maanta markii la soo dhaafayna waxay soo gaadhay in umada laga cuna qabateeyo biyaha.

Hargeysa hadii afarteeda jihaba laga helaayo biyo waxaa haboon in la soo saaro , waxase muuqata in qaar ka tirsan xukuuamda ay hor taagan yihiin biyihii laga soo saari lahaa Jaleelo ee weliba dhaqaalihii lagu soo saari lahaana uu bixiyey midawga yurub.

Hadaba akhristow marka aynu dib u xasuusano sanadkii 2002-dii oo ahayd markii israa’iil ay gurigiisa ku go’doomisay  hogaamiyihii falastiin yaasir carafaad waxay ka jartay laydhka iyo isgaadhsiinta waxaana mudo saddex bilood ka badan la arki jiray isagoo habeenkii shidanaya shamac ,Raysal Wasarihii xiligaasi ka talin jiray isra’iil wuxuu ahaa Eryal SAHRON wax qarsoona muu ahayn nacaybkii u dhexeeyey  iyo wixii ay isku hayeen isra’iil iyo falastiin.

 ma jirto caalamka dawlad aan guulwade iyo maan gaab lahayni, qaar ka tirsanaa golihii wasiirada ee xukuumadii Sharoon ayaa soo jeediyey in guriga u go’doonka ku yahay mr carafaad ee ay go’doomiyeen ciidamadii israa’iil laga jaro biyaha sidoo kalena laga joojiyo cuntdada loo gudbinayo ee la siinayo.

Akhrsitow ma og tahay talaabadii uu mr sharoon oo markaa ahaa raysal wasaare maskax ahaan bad qabay oo ahayd ka hor intii uusan koomada gelin wuxuu ku tilmaamay saddexdii wasiir ee soo jeediyey in yaasir carafaad laag jaro biyaha cuntadana loo diido in xilka laga qaado isagoo ku sababeeyey in ay meel kaga dhaceen xuquuqal iinsaanka maantana somaliland ma jiro madaxweynihii hadii masuuliyiinta xukuumadiisu ay khaladaad noocaasi oo kale galaan talaabo ka qaadi lahaa waxaaba intaa ka sii daran oo is weydiin u baahan dadka kursiga madaxweynimo ku fadhiya waa wasiiradii uu sharoon xilka ka qaaday oo kale.

Hadaba isku soo wada duuduuboo 2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha ee ay Saareen Dadka Ku Loolamaya Kursigii Siilaanyo loo Doortay Eryal Sharona Biyaha Kamu Jarin Carafaad Markii Uu Ku Go’doomiyey Gurigiisa 2002-dii.

La soco qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories