Home13 Qof oo u Dhintay Abaaro ka Jira Somaliland

13 Qof oo u Dhintay Abaaro ka Jira Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa(SLpost)-llaa 19 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo ururo samafal ayaa qaylo dhaan ka soo saaray abaaro ka jira Somaliland oo saameeyey illaa 240,000 oo qof, halka abaarahaas ay u dhinteen illaa 13 qof.

Dallad ay ku bahoobeen hay’adaha caalamiga ah ee hawlgala Somaliland iyo Guud ahaan Soomaaliya oo ay wehelinayaan ururo samafal oo gudaha ah ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray abaartaas, waxayna hay’adahani sheegeen in gobollada ay sida weyn abaartaasi u taabatay ay ka mid yihiin gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Gebilay, kuwaas oo ah gobollada saldhigga u ah dhinaca waxsoosaarka. Sidoo kale abaartani meelaha kale ee ay sida aadka ah u saamaysay waxaa ku jira gobollada Salal iyo Saaxil.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen hay’adaha samafalka caalamiga ah ayay ku sheegeen in abaartan oo ka dhalatay roobyaraan ay keentay inuu hoos u dhaco waxsoosaarkii dhinaca beeraha, isla markaana ay abuurtay biyo yaraan iyo dhimashada xoolaha oo soo foodsaartay bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Arrimaha kale ee warsaxaafadeedkan lagu sheegay ayay ku jiraan in dadka abaaruhu saameeyeen ay haysato nafaqa darro meel sare maraysa, taas oo taabatay caruurta iyo weliba dadka waayeelka ah ee nugul.

Sida ay sheegtay hay’adda badbaadada caruurta ee Save the Children, xaaladda nafaqa darro ee haysata caruurta da’doodu ka hoosayso shan sano jir ayaa xilligan maraysa meel sarraysa, taas oo weliba la filayo inay kor u sii kacdo.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 13 caruur iyo waayeel isugu jira, taas oo ay suuro gal tahay in tiradaasi kor u kacdo haddii aan tallaabo la qaadin.

Hay’adahan ayaa ku baaqayn in tallaabo deg deg ah la qaado sida uu sheegayo Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee hay’adda World Vision François Batalingaya:  “Waxaan u baahanahay inaan dhug u yeelano digniinaha soo baxaya, isla markaana aan wax ugu qabano si degdeg ah dadka gacanta u baahan ee ku nool Somaliland.” Ayuu yidhi.

Xaaladda biyo yaraaneed iyo abaaraha jira ayaa keenay in 35 illaa 40% ay waayeen xoolohoodii oo isugu jira geel, riyo, ido iyo lo’ba. Waxaana macluumaadkan laga soo xigtay xog ururin lagu sameeyey xaaladda xilligan jirta oo ay sameeyeen Guddida Gurmadka Abaaraha oo ay magcawday Somaliland oo wadashaqayn la samaynaya Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC iyo Xafiiska isku xidhka gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adaha samafalka ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu u sii gudbi karto masiibo bini’aadanimo, taas oo horseedi karta waxyeello kale iyo weliba in dad badani u barakacaan.

Madaxa hay’adda badbaadada caruurta ee Soomaaliya Xasan Nuur ayaa isagu sheegay “Kaalmada illaa hadda la qaybiyey ma dabooli karto baahida jirta. Waxaana bulshooyinkani u baahan yihiin kaalmo degdeg ah si looga hortago in dhimasho kale ay timaaddo” ayuu yidhi Xasan Nuur, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “arrintani waxay muhiimad gaar ah ugu fadhidaa kumanaan haween, caruur iyo dadka taagta daran ah oo kuwaas oo abaartu ay aad u taabatay” ayuu yidhi.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Dawladaha iyo weliba hay’ada samafalka inay ugu deeqaan cunto, biyo iyo adeegyada caafimaadka si loo gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Illaa hadda xukuumadda Somaliland waxay ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen oo gaadhaya illaa 40,000 oo qoys lacag gaadhaysa $150,000 taas oo kafayn karta oo keliya illaa 3,200 oo qoys oo ka mida dadka gargaarka u baahan.

Xigasho VOA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories