Home11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In...

11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaybtii 1aad

Washington (SLpost)- Kadib hal sano oo daraf kasta oo dunida ka mid ah ay ka soo yeedhayeen warar la xidhiidha, colaado, faqri, aafooyin dabiici ah iyo masiibooyin kala duwan, waxaa dad badan ku abuurmay aaminsanaan ah in dunidu dhinaca xun uun u sii socoto oo aanay jirin wax sidii ay ahaan jireen ka soo raynayaa. Laakiin sidaas ma’aha!! Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu fiicnaa ee sannadkan ay dunidu ku xasuusan doonto, gaar ahaan dhinaca horumarka.

1. Waxbarashadii oo korodhay: Haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay ku caddaysay in tirada carruurta aan dusiyada lagu darin ay sannadkan ku dhowaad kala badh ka yaraatay celceliska intii ay ahayd 15kii sano ee u dambeeyey. Iyada oo halkii ay ka ahaan jirtay 100 Milyan 2015ka noqotay 57 milyan dunida oo dhan.

Warbixintan waxa ay haayaddu ku sheegtay in dunida maanta aynu joogno ay 10 kii carruur ah ee kasta 9 ka mid ahi bartaan akhriska iyo qoraalka. Dhinaca kalana baanka adduunka ayaa warbixin uu soo saaray isna ku caddeeyey in uu jiil keliyi innaga xigo in markii abid ugu horreysay la arko duni qof kasta oo ku nooli waxbartay.

2. Faqrigii ba’naa oo hoos u dhacay: Faqriga gaar ahaan ka lugu tilmaamo in uu aad u ba’an yahay ayaa sannadkan 2015 ka boqolkiiba 10 hoos hoos u dhacay, dunida oo dhan, taas oo ah heerkii abid ugu weynaa ee uu faqrigu hoos u dhaco.

Dadka ku nool maalintii wax ay goyaan lacag ka yar 2 Doolar ayaa sannadkan 2015ka ay tiradoodu noqotay 702 Milyan oo u dhiganta in 9.6 dadka dunida ku nooli yihiin faqiir dhul yaal ah, taas oo boqolkiiba 12.8 ka yar tirade dadkii faqiirka ahaa ee sannadkii 2012ka. Waana markii ugu horreysay muddo 200 oo sano ah ee tirade dadka faqiirka aadka u daran ahi ay heerkaas hoos ugu soo dhacdo. La soco… 

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories