Home100 QISO IYO QALINKAYGA.

100 QISO IYO QALINKAYGA.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Habeen dhexdaas ah, oo aan sii fogayn. Aniga oo ku sugan madal lagu daahfurayay buug ay qortay gabadh da’ yar, oo ka hadlayay kaabidda ardayga, ayaa Mikirifoonka loo dhiibay si uu kelmad uga yidhaa madasha, maaddaama oo uu ka mid ahaa dadkii ugu mudnaa ee lagu soo martiqaaday. Markii aan madasha fadhiistayba waxa aan qudh iyo maan u gartay in qofka madasha ka hadlayaa uu yahay Maamule Cali Axmed Balayax. Waa maamulahaygii muddo dheer ka hor dugsiga sare iga soo saaray. Aftahannimo iyo kal furnaan marka horeba waan ku aqaannay, balse caawa waxa uu tusalaalayaal iyo tilmaamo siinayaa dhallinta wax qorta. Muddo markii uu ka hadlay mawduuca uu xanbaarsanaa buuggu, oo aniga laftayda aad ii soo jiitay. Waxoogaa markii uu ammaanay gabadha sidan u da’da yare e hammiga intaas le’egi ku jiro iyo sida ay faceed uga dheeraysay ayuu nala wadaagay dhacdo yar waa hore, 1983 ay la kulmeen isaga iyo ninkale.

Waxa uu yidhi “Goor barqo ah ayaannu aniga iyo hebel fadhiisanay laba kursi oo xagga bari u jeeda. Maqaaxidii hebel, ee ku taallay Kaalinta Total. Dadka qaarna u yaqaanaan ‘Dunbuluq’. Muddo markii aannu iska shaahnay, ee iska sheekaysanay ayay si kadis ah xagga bari, meel ku beegan dhinacii aannu u jeednay ka soo mudh tidhi gabadh isa sidata. Maya, Hooyo ilma xanbaarsan aan idhaahdo. Ilmaha xansheerka ku jiraa waa uu hurdaa qiyaastii. Hooyadanu way dheeranaysaa, oo socodka ayay hoosta ka xadaysaa sidii qof hawl ku deg degaya. Anigu waxa aan aad ula socday socodka iyo sida ay u tallaabo dheeraynayso Hooyadan ilmaha sidataa. Malahayga waxa aan islahaa masuuliyad ayaa dabada ka eryaysa oo ay sidan ugu ordaysaa.

Cabbaar markii ay socotay iyada oo socodka xugufsanaysa aniguna aan wali la socdo ayay markaliya turunturootay oo afka u dhacday. Naxdin ayaannu markaliya boodnay oo hinqanay si aannu u caawinno una eegno waxa gaadhay iyada iyo ilmaha yar ee dhabarka u saaran. Hooyadii may kicin, oo isma eegin waxa gaadhay ee sidii ayay boodhka u taallaa wali. Laakiin waxa cajiib noqotay sida ay markiiba ilmihii u taabatay in wax gaadheen. Markii ay hubisay, ee ay aragtay in ilmihii yaraa wali hurdo wax dhib ahina soo gaadhin ayay halkii ka kacday oo boodhkii iska tuntay. Aniga iyo hebel oo aan wali gaadhin ayay dhaqaaqday oo halkii ka sii bilawday socodkeedii. Haddaba, haddii aan qoraa ahaan lahaa, dhacdooyinkaa iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan qalinka ku kaydin lahaa.” Ayuu ku soo afmeeray hadalkii.

Baytul qasiidka dhacdadan yar : Naxariista Hooyada.

Mawduuc u baahan in wax laga qoro.

Maxamed M Jaamac

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories