Home10 -KAAN QODOB KU DADAAL SI AAD NOLOSHAADA U HORUMARISO WAQTIGA ULA...

10 -KAAN QODOB KU DADAAL SI AAD NOLOSHAADA U HORUMARISO WAQTIGA ULA JAAN QAADO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Halkan waxaan ku soo lifaaqayaa waxooga baraarujin ah oo ku saabsan faa’iidada ay Qorshaynta Waqtiga u leedahay horumarka nolosheena. Waxaan qormadan ku doortay aniga laftayda ayaa ku hawalan siddii aan nafta ugu tababari lahaa

blank

inay noqoto mid u laylyan inay la jaan qaado waqtiga. Dabcan Waxii naftayda aan la jecelahay waa inaan la jeclaahay walaalaha oo dhan.

Maaraynta Waqtigu (Time Management) waa hanaan aasaasi ah oo u baahan, la qabsasho, tababar, xirfad, agab, iyo qaab shaqo isku xidhan oo kugu caawinaya inaad qiimo badan siiso koro u qaadista tayada wakhtiga noloshaada.

Muhiimada inaad waqtigaaga qaabaysaa micnaheedu maaha wax-qabad badan oo aad samayso, maxaa yeelay waxaa taas ka mudan inaad ku
hawlan tahay tacab midho-dhal leh; in juhdiga iyo dalaal kaagu ku wajahan yihiin jahada saxada ah.

Haddii aad wakhti lumis tahay waligaa kob cagaar leh ka soo durdurin maysid. 10 ka qodob ee qurbo.net ay hoos ku xusayso ka dooro inta kaa anfacaysa, kuna dadaal inaad fuliso oo aad caado ka dhigato ka faa’iidaysiga bar kasta oo wahtigaaga ah.

 

1.       Qor oo qaabee amuuraha: Qaladaadka guud ee qorshaha wakhtiga haleeya waxaa ka mid ah inaad isku halayso xasuustaada oo aad macluumaad badan ku kaydiso taas oo ugu dambayn buux dhaafisa maskaxda, wax badana aad iloowdo. Inaad liis garayso oo qorto shay kasta waxay kuu awood siinaysaa inaad xadido waqtiga mashaariicda iyo amuurahaaga adiga u fullinaya si abaabulan.

2.       U kala gur siday u kala mudan yihiin: Waxaa la yidhi oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa. Waa lagama maarmaan  inaad u liis garayso sida amuuruhu u kala mudan yihiin adiga oo diirada saaraya waqtiga aad ku wajahayso xaajooyinka sida dhabta ah u saamaynaya mustaqbal kaaga. U calaamadi liis kaaga siday u kala horeeyaan (prioritising the importance ABCD).

3.       Qorshee usbuucaaga: Waqti sii bilawga usbuuca kasta qorshaynta jadwal kaaga. Wakhti dheeraada inaad tan siisa waxay kaa caawinaysa sare u kaca wax soosaar kaaga iyo dheeli-tirka mashaariicda mudada dheer leh iyo kuwa muuhimada gaarka ah leh. Waxaa kaliya oo aad u baahan tahay 15 ilaa 30 daqiiqo oo aad ku qorshayso wiigaaga.

4.       Ku dhaganoow  boog-yare haaga (notebook): Ma ogid goorta ay kugu soo dhici karto fikrad wanaagsan ama qorshe qiima lahi. Waa inaad sidato bug-yare markasta oo aad baxayso si aad u weelayso arragtida cusub. Haddii aad sugto waxooga waxaa laga yaaba inaad ilawdaba. Waxaad kalo isticmaali karta inaad digital recorder ku kaydasto macluumaadka (hadaad haysato).

5      Baro inaad maya tidhaahdo :Marar badan ayaynu la khadyaanaa mashquul dartii sabaabta oo ah waxa aynu balan qaadnay ee ina sugaya inaynu fulino iyo waxa aynu qaban karo ayaa kala badan; waxa aynu nidhaahnaa haa iyada oo ay runtu maya ahayd.  Baro inaad maya tidhaahdo wixii aan daruuri ahayn si aad wakhti ugu hesho kuwa muhiimada leh.

6.       Inta aanad falin ka fiirso: imisa jeer ayaad balanqaaday wax aad hadhaw ka qoomamaysay? Inta aanad balanqaadin mashruuc cusub, waa inaad si qoto dheer uga fiirsataa wakhtiga uu u baahan yahay. Tani waxay kaa xijaabaysaa shaqo badan oo aanad u daaqad hayn.

7.       Joogtee kobcinta aqoon taada: Jadwal kaaga ku darso wakhti aad wax cusub ku barato si aad ku horumariso awoodaha dabeeciga ah ee Eebe kugu galaday iyo kalsoonidaada shaqsinimo.  Aqoontu ma dhamaato, heer kasta oo aad wax barashada ka gaadhana wax uun baa kaa dhiman, isku day inaad wax korodhsato. Tusaale ahaan, waxaad maalintii saacad xaadiri kartaa tasfiirka quraanka. Waxaad saacad siin kartaa akhriska buugaagta iyo magazine-da aad jeceshayay (khasatan kuwa la xidhiidha field kaaga). Horumarka aqoon taada iyo xirfadaadu waxay kor u qaadaysaa hal-abuurnimaada, waxay quwaynaysaa darajadaada shaqo, waana wax halkii aad tagtaba kugu anfacaaya. Haddii aanad wax baranayn adigu wax bar oo dadkaaga uga faa?iidee aqoontaada. Wixii aad bartaaba (Amxaari-na ha ahaadee) way anfacaysaa, waa sadaqo jaariya, sharafna waabay kuu tahay.

8.       Dib u qiimee wixii wax ka badel u baahan xarakaad kaaga: Waa fikrad wanaagsan inaad joogtayso qiimaynta sida aad u isticmaalayso waqtigaaga. Sidaa darted, way fiican tahay inaad jadwelka ka saarto wixii u muuqda inaanu midho dhal lahayn ama aan u adeegayn danahaaga si aad wakhtiga ugu buuxiso mashruuc kale oo ka qiimo badan.

9.       Calaamadi caadooyin kaaga liita: U samee liis caadooyin kaaga liita ee waqti gaaga galaafta, curyaamiya horumar kaaga, ee daboola guulo aad gaadhi lahayd. Marka aad aqoonsato, u hawl gal sida ugu macquulsan ee caadada aad walaftay aad uga samota bixin lahayd naftaada. Ogsoonoow sida ugu sahlan ee aad caadooyinka xun ku jari kartaa waa adoo qaar wanaagsan halkooda ku buuxiya.

10.   Hayso himilo aad hiigsanayso (a goal journey): Markasta waa in hadaf iyo meel aad hiigsanaysa oo ugu saraysaa ay jirtaa. Samee buuga hadafka, (a gaol journal) oo qor talaabo kasta oo aad xaga horumarka u qaado. Ugu yaraan halmar usbuucii booqo xasuus-qor kaaga oo hubi inaad ku taagan tahay jidkii saxda ahaa (on the right truck of your goal journey).

 

Toban kan qodob waa qaar qofkii joogteeya u suurto galinaya inuu wakhtigiisa uga faa’iidaysto sida ay tahay. Fadlan mar walba maanka ku hay in waqtigu yahay waxa ugu qaalisan hantidaada. Ogoow, daqiiqaddii ina dhaaftaa ma soo noqoto badalkeedana ma helo, cimrigeena uun baanay ka go?antay. Wixii aad maanta qabsan karto bari hawdhigan. Aakhirona waa lama huraankiiye isku day inaad cibaadada IlLaahay u hogaansanto. Illahoow toobada nagu noolee oo nagu dil. Aamiin.

XAMSE XASAN <xxcabaydh2@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories