HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo Laba...

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo Laba Beelood ku dhexmaraya Gobolka Sool

Date:

Related stories

Somaliland: Growing public suspicion and concern over citizenship law changes

Hargeisa (SLpost)- A growing public debate has emerged in...

Somaliland–Taiwan Relations: An Alliance Built on Isolation

Two governments that the world largely refuses to acknowledge...

Somaliland urged to take dispute with Somalia to International Court of Justice

Hargeisa (SLpost)- Somaliland veteran and academic Prof. Abdisalam Yasin...

Five geopolitical questions behind Somaliland’s international engagement in the United States

Analysis by Somalilandpost News Part One of Somalilandpost News’ analysis...

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

cadaaniHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal Jimcihii shalay iyo Sabtidii Maanta ka socday deegaanka Dharkayn-geenyo oo 70-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana ku baaqday in xaaladda nabadgelyo lagu soo dabbaalo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay oo uu caawa soo saaray kaga hadlay shaqaaqadaas oo dhimasho iyo dhaawac-ba sababtay, waxaanu sheegay inaanay Xukuumadda waxba kala hadhi doonin dejinta xaaladda colaadeed ee deegaankaas Dharkayn-geenyo oo ka tirsan gobolka Sool ka taagan.

Qoraalka War-Saxaafadeedka uu Wasiir Caddaani ku saxeexnaa waxa uu u dhignaa sidatan:- “Mudanayaal & Marwooyin, Waxaan jeclahay in aan halkan idiinku soo Gudbiyo xog ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacaysay Degmada Dharkayn-Geeye ee Koonfurta Gobolka Sool.

Taasoo Khasaare aan la filayn ka dhex dhashay labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland , kuwaas oo si kediso ah xabaddu uga dhex bilaabantay iyagoo  wada fadhiya, ka dib markii ay isku afgaran waayeen xaajooyin ay ka wada hadlayeen

Ugu horrayn aniga oo ku hadlaya afka Dawladda Somaliland waxaannu tacsi u diraynaa Ehelada iyo Qoysaska dadkii halkaa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba iyada oo tirada dadka ku dhintay ay labaatameeyo gaadhayso, tiro kale oo intaa ka badanina ay ku dhaawacantay

Dawladda Somaliland waxay qaadday talaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay kaga hawlgeli lahayd mashaqadaas .

Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday.

Sidoo kale Xukuumaddu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka dadweynaha  ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in falal dhibaatadaa la xidhiidhaa ka dhacaan,  maadaama labada ardaa wada degan yihiin Magaalo madaxda Gobolka ee laascaanood.

Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala tegay Gobolada Somalialnd oo dhan iyo caasimada Hargeysa oo ay hogaaminayaan wasiiro, Madax-dhaqameed, xubno ka kooban labada golle Guurtida iyo Wakiilada, kuwaas oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday.

Intaa ka dib Xukuumadda Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa  dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan xabadda, una dhego nuglaadaan Ciidamada Qaranka ee Nabadda ka shaqaynaya iyo Ergooyinka nabadeed ee madax dhaqameedku horkacayo ee u gurmaday.

Haba-yaraatee Xukuumadda Somaliland waxba kala hadhi mayso  sidii dhibaatadaa loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba. Mahadsanidin.” Sidaa ayuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku yidhi War-Saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories