HomeSi aad Hal Buug u Akhridid Maalintii…

Si aad Hal Buug u Akhridid Maalintii…

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Demonstration at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Dadka badankiisu waxa uu qiil ka dhigtaa in aanu haysan waqti uu wax ku akhriyo, jirtoo xawaaraha celceliska ah ee akhriska dadku yahay 200eray/daq. (laba boqol oo eray daqiiqaddiiba), lagana yaabo in marka ay hadlayaan ay xawli intaa ka badan ku hadlaan (> 200eray/daq.). Waqti aad u badan ayaana uu ka qaataa akhrinta hal buugi, laga yaabaa toddobaad, laba usbuuc ama xataa bil; bil dhan  ayuu la cifanayaa hal buug!

Nasiib wanaag waxa maanta suuragal ah in qofku maalin kasta hal buug uu akhriyo; keliyaata haddii uu kordhiyo dhakhsaha akhriskiisa ilaa shan jeer (x5). Marka sidaasi dhacdo, aragti ahaan, waxa aad akhrin doontaa shan-laabka intii aad akhrin jirtay, taas oo ay ka dhalanayso in aad korodhsan doonto aqoon, dhaqan iyo wacyi intii hore ka badan, wararkana tallaabo-tallaabo aad uga bogan doontid.

 

Saddex waddo oo aad mari kartid, anna aan tijaabiyay, ayaa aan idinla wadaagayaa, si aad hal buug u akhridid maalintii…

 

Tallaabada Koowaad: Isbar Akhriska Dheeraynta ah!

Ugu horrayntaba waxa ku saaran in aad badisid xaddiga kelmadood ee aad akhridid minitkiiba. Habka u fudud ee aad sidaa u samayn kartaana waa adiga oo adeegsada degelka caanka ah ee Spreeder. 

spreeder

 

Waxa aad ka helaysaa degelkan maqaallo dhawr ah oo kaa caawin kara in aad akhridid, adiga oo isu qabanaya waqti go’an, hubinayana xawaarahaaga, balse waa in aad saddexdan qodob u fiiro lahaataa:

  • Waa in aanad sheekayn, ama hadlin, xilliga aad wax akhriyaysid; sheekaynta ayaa ka dheeraysa akhriska, markaa waxa hoos-u-dhac ku imanaya xawligaagii akhriska.
  • Hoos ha u sii dhex xulin ee fahanka guud ka qaado;garaadkaagu waxa uu leeyahay awood dhakhso badan oo uu ku sawiran karo, ku kala saari karana, erayada loo yeedhiyo, qaab gudeed ah, markaa adigu waxba ha isku taxallujin in aad ilaa daaradda socotid.
  • Isku day in aad diiradda saartid badhtanka bogga, araggaaga baalahana aad hareeraha u kala dirtid; shaashadda aad isticmaalaysid marka aad tabobbarkan iska qaadaysid ka yara fogoow, xagal habboonna ka istaag.

 

Marka aad adeegsanaysid Speeder waxa aad ku bilawdaa xawaare ah 250eray/daq. taas oo in yar ka badan xawligii caadiga ahaa ee dadku ka sinnaayeen. Si aad u horumarisid guulaysiga xeeladdan iyo la-qabsigaagaba waxa aad marba ku biirisaa xawaarahaaga 50-100eray/daq. jeerood ka gaadhid heer ay kuguba adkaato in aad xawligaa buuxiso. Waxa la arkaa in aad aakhirka is-arki doontid adiga oo daqiqaddiiba akhrinaya 1000 (kun) eray!

 

Waxa muhiimka ah marka halkan la joogaayi ma aha in dhakhsaha la kordhiyo oo KELI ah, balse sidoo kale xaddiga kelmadood ee aad akhrinaysid waa in aad badisaa; in aad 2, 3 ama 4 eray aad akhridid markiiba halkii aad ka akhriyi lahayd halka eray ee qudha. Waxa laga yaabaa in ay adag tahay in ay kaa daadegto kun eray ayaa minitkii laga tuurayaa, balse waxa ay adkaantaasi ku kooban tahay marka aad halkii marba eray keliya akhridid, laakiin haddii aad saddex, ama afar, eray akhridid markiiba, tabtani suuragal ayay u eekaanaysaa! Aluutimada waxa aad gaadhi doontaa heer aad bogagga buuggaba xawaare ku dhaaftid, adiga oo laba isku darsaday; dheerayn xagga fara-badnida erayada aad akhriyaysid ah iyo dheerayn xagga fahanka guud ah!

 

 

Tallaabada Labaad: Xulo maqaallada iyo buugta aad rabtid

Marka aad ku gudo-jirtid jirrabka Speeder waxa aad xulataa oo aad markaaga horaba naqaysataa nooca maqaallo iyo buugaag ee aad rabtid in aad tijaabada ku martid, ama aad akhridid sidaada bannaanba; kuwaas oo noqon kara aagag aad isku wacan tihiin oo erayada ku jiraa agtaada aanay marti ku ahayn, mawduuca ay ka hadlayaana wax kaaga bilaaban yihiin.

 

Tallaabada Saddexaad: Diyaarso deegaan wax-akhris

Marba haddii aad soo baratay akhrinta xawliga ah, oo aad hore ka soo qaadatay buugtii iyo agabtii akhris ee aad doonaysay, waxa keli ah ee kaa dhimani waa in aad dooratid, diyaarsatidna, deegaan ku habboon wax-akhriska. DegelkiiSpeeder-na iska fasax hadda. Sida dhacda marar badan ayaa aad daal-maskaxeed iyo caajisnimo ka dareemi doontaa akhriskii, adiga oo ka caga-jiidaya ayaanad is-arki doontaa, balse ha shiddaysan, waxa aad kaga bixi kartaa adiga oo go’aan qaata, iskuna taxalujiya sidii aad diiradda u saari lahayd akhriskaaga. Codadka muusigga, buuqa iyo wax kasta oo kansho/fursad siinaya in qulub soo kala dhex galo adiga iyo buuggaaga aad akhriyayso waa in aad meesha ka saartaa.

Man Reading Book and Sitting on Bookshelf in Library --- Image by © Royalty-Free/Corbis
Man Reading Book and Sitting on Bookshelf in Library — Image by © Royalty-Free/Corbis

 

Qaababka aad deegaan akhriska ku wanaagsan u abuuran lahayd waxa ka mid ah:

  1. Ammin go’an u calaamadi wax-akhris keli ah, waa waax waqtigaaga ka mid ah oo akhrin mooyee wax kale aanad qabanayn, wax kasta oo khalkhal kugu keenaya iska fogee.
  2. Agabyada uu telefankaagu ka mid yahay ee mashquulka kugu keenaya, muusigga iyo wixii cod aan loo baahnayn leh, iyo wax kasta oo iftiin xumadu ka mid tahay ka takhallus. Adiga, buugga iyo bii’adaasi isku keliyooba.
  3. Marka aad wax akhriyaysid qalinka iyo xaashidu yaanay kaa ag-fogaan, markii loo baahdana qoro qormo-qabyeedka (notes) daruuriga kuula muuqda. Tani waxa ay kaa kaalmayn doontaa in aad yaraysid fakaagga/fursadda aad wax ku ilaawi kartid.

***

Haddii aad arrinta si run-run ah u geshid, oo ay kaa go’an tahay in aad kor u qaaddid heerkaaga wax-akhris, oo aad qaadatid tabobbar kugu filan, waxa aad is-arki doontaa adiga oo si dheerayn ah wax u akhriyaya, maqaallada, diiwaannada iyo buugta marka aad wehel u noqotidna waxa aad soo baxaysaa qalab wax-akhris! Waxa aanad farxad ku dareemi doontaa in aad qoraallada aqoonta kuu kordhinayau akhrido in ka siyaadsan sidii hore ee maalmaha ama xataa toddobaaddada qaadan jirtay!

Xilli-xilli naso, oo nafta ha daalin, siiba maskaxda ha ka oggolaan in ay tabcaannimo dareento, muhiimaddu waxa weeye in aad akhriska isbarataan, akhri, akhri, akhri, akhri…

***

Qoraalka la haltebiyay: [٣ خطوات تُمكّنـك من قراءة كتاب كامل يومياً] “Saddex Tallaabo oo ku Geyaysiin Doona Akhrinta Hal Buug Maalintii”. Maxamed Ibraahiim.

 

W/T: Cabdicasiis Guudcadde
Email: muslim.guudcade@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories