HomeShacabka iyo Ganacsatada LAASQORAY oo mudaharaad Cuno-qabatayn ah kala hor tagay Wefti...

Shacabka iyo Ganacsatada LAASQORAY oo mudaharaad Cuno-qabatayn ah kala hor tagay Wefti Puntland ah oo magaaladaas Gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Laasqoray (SLpost)- Shacabka ku dhaqan magaalada Laasqoray ee Bariga gobolka Sanaag, ayaa mudaharaad cuna-qabatayn ah ku sameeyey Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan oo shalay gelinkii dambe gaadhay magaaladaas, kuwaas oo ka tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

IMG_2441Ganacsatada meheradaha ku leh magaalada Laasqoray iyo shacabka kale ee degmadaas ku dhaqan, ayaa u diiday inay Raashinka iyo biyaha ka iibiyaan Wasiir-dawlaha wasaaradda Dekedaha, Badhasaabka gobolka Sanaag, taliyaha Qaybta Booliska ugu magacaaban gobolka Sanaag iyo Ciidamo ku hubaysan dhowr iyo toban gaadiid tikniko ah oo shalay gaadhay magaalada Laasqoray ka dib markii  madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo booqasho uu shalay ku tagay magaaladaas uu kaga laabtay.

Wasiirka Dekedaha, Badhasaabka, Taliyaha Qaybta Booliska iyo Ciidamada ay wateen, ayaa shalay khasaare la kulmay, ka dib markii ay qallibmeen laba gaadhi oo ka mid ah 12 baabuurta tiknikada ah oo ay shalay ku galeen magaalada Laasqoray, waxaana halkaas kaga dhaawacmay qaar ka mid ah askartii saarnayd gaadhigaas, in kasta oo aanay jirin cid ku geeriyootay shilkaas.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan shabakadda Somalilandpost.net, ayaa sheegay inay masuuliyiinta iyo ciidamada ay wateen ay ka baxeen magaaladaas ka dib culays kaga yimi dhinaca shacabka, isla markaana ay dib ugu laabteen meeshii ay ka yimaaddeen oo ahayd magaalada Boosaaso.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee gobolka Sanaag ku tilmaamay daan-daansi siyaasadeed oo sida uu ku dooday lagu soo xad-gudbay deegaamo ay maamul ahaan ka taliyaan.

Dhinaca kale, waxa maanta magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan lagu qabtay kulan lagu taageerayo socdaalka madaxweynuhu ku marayo gobollada dalka, waxaana munaasibaddaas lagu soo dhaweeyey safar madaxweyne Siilaanyo ku tago xarunta gobolka Badhan.

Madax-dhaqameed, Wax-garad iyo Aqoonyahanka magaalada Badhan, ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Badhan ku shaaciyey inay taageersan yihiin socdaalka madaxweynuhu ku gaadhay gobolka Sanaag, waxaanay gaashaanka ku daruureen sheegashada maamul-goboleedka Puntland ku sheegtay inay ka taliyaan deegaamadooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories