Home“Sannadkii Waxaanu Awood u Yeellanaynaa Inaanu Dejinno 200.000 oo Kontiinar, Heshiiska...

“Sannadkii Waxaanu Awood u Yeellanaynaa Inaanu Dejinno 200.000 oo Kontiinar, Heshiiska DP Waa Fursadii u Fiicnayd” Maareeyaha Dekadda

Date:

Related stories

Somaliland: Growing public suspicion and concern over citizenship law changes

Hargeisa (SLpost)- A growing public debate has emerged in...

Somaliland–Taiwan Relations: An Alliance Built on Isolation

Two governments that the world largely refuses to acknowledge...

Somaliland urged to take dispute with Somalia to International Court of Justice

Hargeisa (SLpost)- Somaliland veteran and academic Prof. Abdisalam Yasin...

Five geopolitical questions behind Somaliland’s international engagement in the United States

Analysis by Somalilandpost News Part One of Somalilandpost News’ analysis...

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Hargeysa (SLpost)-  “Casriyayn lagu sameynayo dekadda Berbera oo lagu binaynayo goobihii adeega koontiinarada  oo suurtogelinaya inay marsaddani noqoto marin caalamiya, ayaa heshiiskeedii ay kala saxeexdeen dawladda Somaliland iyo shirkadda imaaraadka carabta laga leeyahay ee DP World, si dekadaasi u horumarto. Dekadani waxay  ku taallaa dalkan nabdoon ee degan,” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin uu maalgeshiga dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo sheegay  in dekedda Berbera oo ku taalla bogcad istaraataji ah ay kaalin weyn ka qaadan doonto ganacsiga gobolka.

Berbera1Somaliland waxay ahayd dal aan la aqoonsanayn muddo 25 sannadood ah, waxaanay aaminsan yihiin horumarinta dekadoodu inay kaalin weyn ka qaadanayso  qaranimadooda. Dekedda Berbera waxa  inta badan ka dhoofa xoolaha nool ee ay dalalka khaliijka u iibgeyso, waxa kale oo ay dejisaa 40.000 oo kontiinar sannadkiiba.

“Waxaanu doonaynaa inaanu Berbera ka dhigno  mid ka mid ah dekedaha ganacsiga caalamka, isla markaana ay marin u noqoto Geeska Afrika,”ayuu yidhi Maareeyaha dekedda Cali Cumar Maxamed.

Wali macluumaadka heshiiska dekedda ee DP World  lama dhammaystirin, waxase ay Somaliland sheegtay in laba laabayso baaxadda iyo mugga marsadda. “Sannadkii waxaannu awood u yeellanaynaa inaanu  dejinno 200.000 oo koontiinar. Berbera waa mid  ku taalla meel istaraataji ah sida Jabuuti oo kale,”ayuu yidhi Maareeyaha dekeddu.

Berberi waxay  ku taallaa badda cas,  waxa mara badeecadaha u kala gudbaya Carabta, Asia iyo Yurub.

Somaliland  waxay haysataa  fursad ah inay wax uga soo degaan  dalka  Itoobiya aan badda lahayn ee la jaarka ah  oo suuqiisu kobcayo isla markaana ay dadkiisu yihiin illaa 96 Milyan oo qof.Somaliland waxay Itoobiya la saxeexatay bishii March ee sannadkan in badeecadaha Itoobiya qeyb ka mid ahi  ka soo degto  Berbera.

Heshiiskani waxa uu saamaynayaa iskaashiga Somaliland ku kasbanayso  dalalka Khaliijka. Kuwait waxay hore u maalgelisay dib u habayn lagu sameeyay Madaarka caasimadda Hargeysa, waxa kale oo ay dhistay dugsiyo lagu barto diinta. Halka Imaaraadka diyaaradoodu  ay  ka  mid tahay dhawr diyaaradood oo duulimaadyadoodu maalin walba tagaan Somaliland. “Heshiiska DP World waxa uu ahaa fursadii ugu fiicnayd,”ayuu yidhi Maareeyaha dekeddu.

Caqabadaha ugu badan  ee la sheegi karaana waa in la dhiso jid qaadi kara  Gaadiidka koontiinarada u sida Itoobiya. Somaliland oo dadkeedu yihiin afar milyan oo qof.Miisaaniyadda dawladda Somaliland waa  $250 Milyan oo doolar oo u dhiganta 220 Milyan oo Euro, waxaanay leedahay lacagteeda, balse ma awoodi karto inay la xidhiidho baanka adduunka  si ay uga soo deynsato dhaqaale ay ku horumariso kaabeyaasheeda  dhaqaalaha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories