HomeSannad-guuradii 33aad ee Aasaaskii SNM oo maanta ku beegan iyo Hambalyada Guddoomiye...

Sannad-guuradii 33aad ee Aasaaskii SNM oo maanta ku beegan iyo Hambalyada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta ku beegan Xuska sannad-guuradii 33aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ururka Dhaq-dhaqaaqa Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed (SNM) ee Taliskii Siyaad Bare dib uga xoreeyey madax-bannaanida Somaliland, kaas oo markii u horreysay dhidibadda loo taagay 6-dii April, 1981-kii.

muuseGuddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibaddan awgeed hambalyo u diray mujaahidiinta, hooyooyinka iyo Agoomihii ay ka tageen Shuhadadii SNM, war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf.

War-saxaafadeedkan xambaarsan bogaadinta Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xuska sannad-guurada 33-aad ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM oo ku beegnayd 6-dii bishii April sannadkii 1981-kii.

Guddoomiyuhu waxa uu ku hambalyeynayaa mujaahidiintii, hooyooyinka iyo agoomaha SNM sidii ay uga midho-dhaliyeen ujeeddadii loo aasaasay ururka, waxaannu Alle uga rajeeyey in intii nool sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, inta xannuunsanaysana caafimaad uu siiyo, isagoo Ilaahay baryey mujaahidiintii ku shahiiday xorrayntii dalkana inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories