Home“Safarka wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle waa mid taariikhda u galay oo uu...

“Safarka wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle waa mid taariikhda u galay oo uu facii kaga roonaaday” – Xildhibaan Caga-yare

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa safarka wasiirka Caafimaadka Somalilad Dr Saleebaan Ciise (Xagla Toosiye) ku sifeeyay mid taariikhda u galay oo uu kaga duwanyahay masuulliyiinta kale ee ka soo jeeda Gobolkaas.

XAGLATOOSIYEXildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa uu sidaa ku sheegay war-murtiyeed kooban oo uu ka soo saaray Hargeysa, kaas oo uu is-barbar dhig ku sameeyay masuulliyiintii kala duwanayd ee xilka ka soo qabatay Somaliland ee ka soo jeedda gobollada Sool iyo Buuhoodle iyo Wasiir Xa-toosiye.

War-murtiyeedkaas waxa uu u dhignaa sidan; “Safarkii Wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle muxuu kaga duwanyahay safarrada ma dhalayska ah ee masuulliyiintii ka soo jeeday Sool iyo Buuhoodle ee u kala dambeeyay xilalka?

Wasiir Xagla-toosiye oo aan ku tilmaamayo masuul geesinimmo iyoku dhiirashoba leh, wuxuu todobaadkii tegay ku dhaqaaaqay tallaabo ka nixisay nabad-diidka iyo siyaasiyiinta dibed-wareegga ah ee magaca iyo mansabka ku raadsanaya shacabka Boohoodle, ka dib markii uu kaga dhabeeyay ballanqaadkiisii uu hore ugu sammeeyay deegaankaas inuu waxqabad iyo horumar ka hirgelinayo, waxaannu gaadhsiiyay mucaawimmadii ugu horraysay oo uu ka mid yahay gaadhi Ambalaas ah iyo dhagax-dhigga dhismaha machadka caafimaadka gobolka Sool, kaas oo laga dhisayo magaalada xarunta ah ee Laascaanood oo dub u soo noolaysay rajada shacabka ee wax-ka-qabashada kaabayaasha arrimaha bulshada.

Cali Khaliif Galaydh oo ka masayray waxqabadka Wasiirka iyo heshiiska dhexmaray Somalilad iyo Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ayaa weedho cunfi, cunsuriyad iyo catow kula dhexdhacay bulshada jilicsan ee uu markasta ku gubaabiyo colaad inay kalal hor tagaan Somaliland.

Waxa xusid mudan in Wasiir Xagla-toosiye oo aan kelmad ka odhan Hargeysa gudaheedu, ugu jawaabay Cali Khaliif goobtii munaasibka ku ahayd ee Buuhoodle badhtankeeda.

Safarka Xagla-toosiye ee Buuhoodle iyo Sool waa mid taariikhda ugu suntan, xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka oo ay ka go’antahay waxqabadka Gobollada Sool iyo Sanaag inay halkaas ka sii wadaan oo dhammaystiraan tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsheed ee gobolladaas,” sidaas ayuu xildhibaanku ku yidhi Qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories