HomeSaaxiibbada Facebook Ee Ay Fiican Tahay In Aad Iska Saarto Si Aad...

Saaxiibbada Facebook Ee Ay Fiican Tahay In Aad Iska Saarto Si Aad U Ilaaliso Caafimaadkaaga Nafsiga Ah (2)

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

argeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ka mid ah qormadii uu Geeska Afrika ku soo bandhigayey qaar ka mid ah saaxiibbada ay khubarada cilminafsiga ee u kuur-galay saamaynta bar-kulannada bulshada ee internet-ku ku yeelan karto qofka, ku taliyeen in la iska masaxo, si aan loola socon faallooyinkooda raadka taban niyadda kaga tegeya:

2. Niyad-xumeyaasha: Qof kasta waxaa noloshiisa ku jira maalmo badhaadhe iyo farxadeed iyuo malamo murugo iyo madow badan. Laakiin aad ayaa ay u kala duwan yihiin calaacalka iyo xal u raadinta mushkiladaha kula soo darsaa, sidaa awgeed haddii aanu ruuxu si cad u soo bandhigayn dhibta uu qabo oo cid uu og yahay talo ka raadinayn, ma jirto sabab uu calaacalkiisa niyadda ugaga dilo bulshada kale.

Ogowna oo cilmibaadhis caafimaad ayaa caddaysay in diiqadda iyo niyad xumadu ay yihiin xanuun si sahal ah u gudba isaga oo qofku aan is dareemin.

3. Dadka uu xidhiidh hore idinka dhexeeyey:

Nafta aadamaha ayaa iska jecel in ay ogaato xaaladaha iyo wararka dadka uu hore xidhiidhku uga dhexeyn jiray, laakiin khubarada cilminafsigu waxa ay sheegeen in ogaanshiyaha xaaladaha qofka uu hore xidhiidh idinka dhexeyn jiray in ay saamayn aan fiicnayn oo nafsi ah ku yeelato nafsadda. Sidaa awgeed waxa ay ku talinayaan in saaxiibbada uu xidhiidhkiinu go’ay iyo cid kasta oo hore xidhiidh idinka dhexeyn jiray aad ka tirtirto liiska saaxiibbadaada facebook, si xusuustoodu ay u hadho, isla markaana aad u ilaaliso caafimaad qabka maskaxdaada.

4. Faan badanaha noloshiisa la dhacsan iska tirtiri: Sida ay isku raacsan yihiin dhammaan xeeldheerayaasha baadha arrimaha la xidhiidha horumarinta nafta iyo xasiloonida nafsiga ahi, qofku waxa uu farxadda iyo rajo wanaagga ugu dhow yahay marka aanu naftiisa ku dhererin cid kale. Waxaa jira dad badan oo bartooda facebook u adeegsada keliya in ay bulshada ugu muujiyaan barwaaqada ay ku nool yihiin iyo guulaha tirada badan ee ay gaadhaan. Qof kastaa waxa uu jecel yahay in aanu faciisu dhaafin, iyo in cidda ay isku garaadka ama aqoonta yihiin aanay guulaha adduun kaga horumarin. Haddiiba aad tahay qof raadinta guusha aan u dadaal yaraysan, hase ahaato ee aad aragto saaxiibbo iyaga guushu u soo dhaqsatay oo habeen iyo dharaar ku faanaya, waxa ay khubaradu kugula talinayaan in aad saaxiibtinimadooda iska tirtirto, waayo waxa ay khatar gelinaysaa dadaalka aad doonayso in aad ku gaadho guusha, waxa aanay kugu keeni kartaa niyad jab iyo in guushaadu kuu muuqan weydo oo aad ku faruur xidhanto u fiirsiga guusha qofka kale.

5. Dadka waqtiga geliya in ay dareenka dadka isku soo jeediyaan saaxiibtinimadooda jooji:

Waxa aad marar badan Facebook ku arkaysaa dad soo qoraya hadallo daba go’an; aan macne ahaan dhamaystirnayn, ama kugu kallifaya in aad ka fikirkooda waqti ku lumiso.

 “Maanta waa waalintii noloshayda ugu xumayd… Laakiin ma’ doonayo in aan ka sheekeeyo!” ayaa uu soo qori. Markaasaad ka nixin, argagaxi ama ka cadhoon adiga oo doonaya in warkaas uu kuu dhamaystiro. Faallada noocaas ahi waxa ay soo jiidataa dareenka qofka waxa aanay ku beertaa faduulinimo oo xiisaynayo in uu ogaado waxaa uu saaxiibkii ka hadlay. Haddii aad saaxiibbo sheekadan ku celceliya saaxiib la tahay, waxaa la gaadhay waqtigii aad iska tirtiri lahayd si aanay waqtigaaga ugu lumen raadinta iyo akhriska war aan dhamaystirmayn ama macno fog aanu ku jirin.
Dhammaad.
 Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories